Weerar ay damacsanayd Al-Shabaab oo laga hortegay

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta weerar ay damacsanaayeen Al-Shabaab laga hortegay, kadib howlgal culus oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni oo dhaca duleedka Kismaayo.

Al-Shabaabka weerarka qaaday ayaa beegsaday saldhigyo ay ciidamada Xoogga dalka, qaybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi, waxaase dagaal culus kala hortegay ciidamada huwanta ee ka howlgalay deegaankaasi.

Taliyaha ciidamada dhulka, Janaraal Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay in la fashiliyay weerarka.

“Weerarkaas ilaahbaa ku mahadsan waa laga hortegay, xogtiisana waa la hayay dhirbaaxo xoog leh ayaa ciidamadu ay ku dhufteen, waana lagu jebiyay” ayuu yiri Janaraal Dayax.

Sidoo kale taliyaha ayaa  xaqiijiyay in goobta lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa xubnaha weerarka soo qaaday, sida uu hadalka u dhigay.

“In ka badan 20 maleeshiyaad ah ayaa maydkooda meesha yaallaa, waxaana laga furtay hub iyo saanad ciidan” ayuu mar kale yiri taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka.

Dayax Cabdi Cabdulle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in nolosha lagu qabtay maxaabiis kale oo dhaawacyo ah iyo saanad ciidan oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa laga hayaa maxaabiis dhaawacyo ah oo ay meesha uga carareen marka khasaaraha cadowga gaaray sidaas ayuu ahaa” ayuu kusii daray taliyuhu.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana jiro dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.