Weerar ay Mareykanka ku dili rabeen Jeneral kale oo Iranian ah oo fashilmay

Washington (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa ku guuldarreystay isku day ay ku dili lahaayeen jeneral kale oo sare oo Iranian ah oo ku sugnaa dalka Yemen, isla maalinkii ay duqeyn drone ku dileen Jeneral Qasem Soleimani, oo ahaa taliyihii ugu awoodda badnaa ciidamada Iran, waxaa sidaas weriyey New York Times.

Shaac ka qaadista howlgalkan labaad ayaa muujinaya in maamulka Trump uu waday qorshe olole ballaaran ah oo markii hore aan la ogeyn, kaasi oo looga dan lahaa in lagu wiiqo awoodda Iran ay u leedahay inay qaado dagaal maldahan oo ay ka fuliso dalal kale.

Weerarka fashilmay ee ka dhacay Yemen ayaa la doonayey in lagu dilo Abdul Reza Shahlai oo ka tirsan ciidamada Quds ee Iran, ee uu hoggaamin jiray Jeneral Soleimani. Afar sarkaal oo xog ogaal u ahaa weerarka ayaa sheegay in Shahlai la beegsaday balse uu ka bad-baaday duqeynta.

Abdul Reza Shahlai ayaa la rumeysan yahay inuu yahay abaabulaha iyo maal-geliyaha maleeshiyooyinka shiicada ee gobolka.

Madaxweyne Trump ayaa ansixiyey weerarka ka dhanka ahaa Shahlai isla xilligii uu ansixiyey weerarkii lagu dilay Jeneral Qasem Soleimani, 3-dii Janaayo, inkasta oo aysan caddeyn in labada weerar ay dhaceen waqti isku mid ah.

Shahlai iyo Soleimani ayaa ahaa laba ka mid ah dhowr sarkaal oo u dhashay Iran oo maamulka Trump uu ku beegsaday dadaal la doonayo in looga hortago weerarada ka dhanka ah goobaha Mareykanka iyo in Iran laga joojiyo “gardarrada” ay ka waddo gobolka, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Dowladda Mareykanka ayaa horey ugu yaboohday 15 milyan oo dollar oo la siinayo cid kasta oo keenta akhbaar ku saabsan Shahlai.

Shalai ayaa lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weeraro ka dhan ah xulufada Mareykanka iyo isku daygii fashilmay ee sanaddii 2011 lagu dili lahaa safiirka Sacuudiga ee Mareykanka.