XOG: Liis xildhibaanno oo aysan fileyn DF Soomaaliya oo kasoo baxay Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Liis xildhibaano oo aysan fileyn xukuumadda Soomaaliya ayaa kasoo baxay baarlamanka cusub ee Galmudug, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Inkasta oo ay jiraan tiro magacyo ah oo markii lasoo gudbiyey kadib ay dowladda ku bedeshay dad kale, si ay sheegeen beelaha qaar, haddana inta badan xildhibaanada la shaaciyey ayaa ah kuwa aan ku argti ahayn dowladda.

Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay inay rumeysan yihiin, in inka badan 70% xildhibaanada soo galay baarlamanka Galmudug ee shalay lagu dhowaaqay, ay yihiin kuwa taageersan xisbiyada mucaaradka.

Xildhibaanadaas badankood ayaa taageersan xisbiyada Wadajir iyo UPD, oo doorashada madaxweynaha ku galaya laba ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad, kuwaas oo kala ah Kamaal Guutaale (Wadajir), iyo Cabdiraxmaan Odowaa (UPD).

Dowlada Soomaaliya ayaa muddo dadaal ugu jirtay inay xaqiijiso in xildhibaano taageersan ay kusoo baxaan baarlamanka Galmudug, hase yeeshee dadaalladaas ayaa u muuqda kuwa aan guuleysan, xitaa haddii ay dowladda bedeshay saxiixayaashii saxda ah ee Galmudug qaarkood.

Lama yaqaan sida ay arrintan ku dhacday, balse tuhunka ugu badan ayaa ka jira in qaar ka mid xubnaha guddiga farsamada Galmudug, oo dowladda ay u haystay inay ku aragti yihiin, ay ahaayeen kuwa si hoose ula shaqeynayey xisbiyada mucaaradka.

Xubnahaas iyo qaar ka mid ah odayaasha Galmudug, oo carro hore u qabay dowladda, ayaa la rumeysan yahay inay ka shaqeeyeen soo bixitaanka xildhibaano badan oo aan ku aragti ahayn dowladda.

Sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online ayaa yiri “Haddii dowladda aysan tallaabooyin kale qaadin, natiijo wanaagsan kama soo socoto Galmudug.”

Soo bixitaanka xildhibaanada mucaaradka ah ayaan macnaheedu ahayn, si kastaba, in musharax aan taageersaneyn dowladda loo dooran doono madaxweynaha Galmudug.

Dowladda ayaa weli ay haysata awood dhaqaale oo musharaxiinta mucaaradka ah aysan u babac dhigi karin, taasi oo ay u adeegsan karto in xildhibaanada mucaaradka ah ay iibsato, si ay u doortaan musharaxa ay wadato.

“Waxay hadda u muuqataa in xalka ugu dambeeya ee dowladda uu midkaas yahay.” Ayuu yiri mas’uul la hadlay Caasimada Online.

Dowladda ayaa la rumeysan yahay inay xilli dambe ka war heshay in xildhibaano mucaarad ah ay ka buuxaan liiska baarlamanka cusub ee Galmudug, hase yeeshee waxay qaadatay inaysan faro-gelin sababo la xiriira in hanaanka Galmudug uu sii dheeraado darteed, iyo ka fogaanshaha khilaaf iyo xiisad hor leh.

Haddii madaxweynaha cusub ee Galmudug uu kasoo baxo mucaaradka, waxay noqon doontaa waqti, dadaal, iyo dhaqaale badan oo ka lumay dowladda oo sababta ay Xaaf u ridday ay ahayd inay hesho musharax ku aragti ah.