Weerar dad shacab ah lagu dilay oo ka dhacay MUDUG

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar lagu dilay dad shacab ah oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan ayaa ka dhacay deegaanka Saaxo ee gobolkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ugu yaraan labo qof oo xoolo dhaqato ahaa ayaa lagu dilay weerarkaasi, sida ay sheegeen dadka deegaanka ee aan la hadalnay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in toogashada loo geystay dadkaasi rayidka ah ay salka ku heyso dilal la xiiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta gobolka Mudug ayaa sidoo kale dhowaan kala dhex-galay maleeshiyaadka labada dhinac, si loo qaboojinta xiisada ka taagan Saaxo.

Inta badan waxaa gobollada Mudug iyo Galgaduud ku soo laa-laabta dagaallo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed hubeysan oo ku sugan gobolladaasi.