Amaanka Garoowe oo aad loo adkeeyey + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Nugaal ayaa sheegaya in saaka ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland lagu daadiyey waddooyinka magaalada Garoowe ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inay hakiyeen qaar ka mid ah isku socodka wadooyinka muhiimka ah, iyagoo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Sidoo kale ciidamada ayaa si gaar ah dadka iyo gaadiidka uga celinayo wadooyinka soo gala Barxada weyn ee magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in sababta loo adkeeyey amniga ay tahay soo dhoweynta madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo maanta ku laabanaya Garoowe.

Deni ayaa maalmihii u dambeeyey safaro ku kala bixinayey dalalka Kanya iyo Imaaraadka, isaga ka amba-baxay Muqdisho, kadib shirarkii wada-tashiga ee uu ka qeyb-galay.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweyntiisa ayaa haatan ka socota magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Safarka Deni oo qaatay maalmo badan, islamarkaana waday kulamo kala duwan ayaa la filayaa inuu ka warbixiyo, marka uu dib ugu laabto xafiiskiisa Garoowe.

Dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee Siciid Deni oo ay dad badan hadal hayaan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorashooyinka 2020/2021.