Xog: Muxuu salka ku hayaa muranka ka taagan xilka Imaamka beesha Mudulood?

Muqdisho (Caasimada Online) – Jimcihii shalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad lagu caleemo saaray Imaam cusub oo ay yeelato beesha Abgaal, iyadoo mudooyinkii dambe uu khilaaf ka taagnaa xilkan dhaqan oo sagaalkii sano ee lasoo dhaafay uu si KMG ah u hayey Imaam Maxamed Yuusuf.

Imaamka cusub ee shalay Muqdisho lagu caleemo saaray ayaa lagu magacaabaa Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, waxaana banaanka u soo baxay khilaafkii ku saabsanaa cidda qabaneysa saldanadaas oo ka dhax jiray qoyska reer Imaam ee beel-weynta Abgaal Cusmaan.

Qoyska reer Imaam oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in aysan dooran Imaam Daahir oo shalay Muqdisho lagu caleemo saaray, iyagoo iska soo doortay Imaam cusub, una gudbiyey beesha inteeda kale, si kalsoonidooda uu u helo.

Qoyska leh Imaamnimada beesha Abgaal ayaa waayihii dambe ku kala qeybsanaa duubista Imaamka cusub ee beesha, waxaana maalmihii u dambeeyay Muqdisho ka socday shirar kala duwan oo looga hadlayey duubista Imaamka cusub oo si weyn loogu kala qeybsamay.

Daahir oo shalay loo caleemo saaray Imaamka beesha ayaa waayahan olole ugu jiray sidii uu xilkaas ula wareegi lahaa, waxaana dhalay Imaamkii hore ee beesha Imaam Maxamuud Imaam Cumar. Sidoo kale waxaa adeer u ah Imaamka uu sheegay inuu xilka kala wareegay, Imaam Maxamed Yuusuf.

Sidaan oo kale ayuu Imaamka shalay la caleemo saaray waxa uu ku dhawaaqay sanadkii 2016-kii inuu yahay Imaam, isagoo ku dooday in adeerkiis Imaam Maxamed Yusuf uusan hoggaamin karin beesha.

Xilligan oo dalku galay marxalad doorasho oo tii waagaas lamid ah ayuu mar kale Daahir sheegtay Imaamka beesha, iyadoo xubno ka tirsan beesha ay shalay u caleemo saareen.

Syaasiyiin ay ka mid yihiin, Cali Mahdi Maxamed, Muuse Suudi Yalaxow iyo odayaal dhaqan oo uu ka mid yahay Cabdullahi Geedi Shadoor, ayaa qeyb ka ahaa qorshihii shalay lagu caleemo saaray Imaamka cusub.

Sidoo kale siyaasiyiin uu ka mid yahay Cali Maxamed Geedi, ayaa taageersan inuu xilka sii hayo Imaamkii sida ku meel gaarka ah u soo haayey sagaalkii sano ee la soo dhaafay Imaam Maxamed Yuusuf.

Cali Maxamed Geedi ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inay jiraan siyaasiyiin doonaya inay bedelaan Imaamka guud ee beesha, isagoo arrintaas ku tilmaamay imaan la’aan ay ku dhaqaaqayaan siyaasiyiinta qaar “Imaanka Allaha geyo ayaan leenahay” ayuy yiri Cali Geedi.

Imaamka cusub ee qoyska reer imaam ay maanta isku raaceen inuu xilkaas qabto ayaa lagu magacaabaa Maxamed Maxamuud Imaam Cumar, waxayna sheegeen odayaashii ka hadlay goobta inuu yahay qofkii xaqa u lahaa dhaxalka imaamnimo ee beesha.

Hoos ka daawo qoyska reer Imaam