Beesha ABGAAL oo ka hor-tagtay baahinta wareysigii horseeday in la xiro Xaaji Abuukar Cumar Cadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xarigii Xaaji Abuukar Cumar Cadaan kadib la joojiyay baahinta wareysigii laga qaaday ee sababay inay xiraan ciidamada ammaanka.

Ciidamada hey’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xiray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya.

Xarigga ganacsadaha ayaa yimid saacado kadib markii Radio Kulmiye uu ka baxay goos-gooska wareysi uu siiyey Xaaji Abuukar, gelinkii dambe ee Jimcihii.

Xaaji Abuukar ayaa wareysigaas, goos-gooska ahaa si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta.

“Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qabsan, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa,iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yiri Ganacsade Xaaji Abuukar.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in odayaasha iyo waxgaradka beesha Abgaal oo uu ka dhashay Xaaji Abuukar ay la xariireen maamulka sare ee Radio Kulmiye, kadibna ay ka dalbadeen in gabi ahaanba la joojiyo baahinta wareysigaas oo dhameystiran, maadaama markii hore qeyb yar ay Idaacaddu u baahisay si hor dhac ah.

Wareysigaas ayaa la filaayey in Sabtidii maanta 10:00am ay baahiso Idaacadda Kulmiye, balse gabi ahaanba waa la joojiyey, kadib markii ay dalbadeen odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Xaaji Abuukar.

Sidoo kale, qeybtii yareyd ee wareysiga ama goos-gooska aheyd ayay Idaacadda Kulmiye ka saartay YouTube-ka.