Weerar khasaare geystay oo xalay ka dhacay duleedka magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ay fuliyeen kooxo hubeysan ayaa waxaa lagu qaaday waaxda 1-aad ee Baariyow, xaafadda Galmudug ee deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay yihiin ciidamada ilaalinayay waaxda ayaa dhaawac soo gaaray iyo qof kale oo shacab ah, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale weerarka kadib ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay goobta, kuwaas oo sameeyey baaritaano dheeraad ah.

Wararka ayaa sheegaya inay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi, welina ma jiro wa hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka iyo laamaha amniga intaba.

Garasbaaley ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan oo geysta khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.