Xog: Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen oo xalay kulmay iyo shaki soo galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in xalay kulan saacado qaatay ay hotelka Decale ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa yimid saacado kadib markii ra’iisul wasaare Rooble, oo ay garab taagan yihiin saddexdan madaxweeyne goboleed, uu ku dhowaaqay in dalka uu galayo doorasho hal dhinac ah.

Xubno ku dhow saddexda madaxweyne goboleed ayaa Caasimada Online u sheegay inay shaki badan ka qabaan go’aankii ay habeen hore qeybta ka ahaayeen ee lagu garaay in doorasho la qabto, islamarkaana ay doonayaan in xal la raadiyo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in sidoo kale ay doonayaan in marka hore ay kulamo la yeeshaan musharaxiinta mucaaradka, si gaar ahna madaxweynayaasha HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa arrintan aad u doonaya.

Qoor Qoor ayaa sumcaddiisa dilay markii uu ka been sheegay mucaaradka, isaga oo ku eedeeyey inaysan usoo gudbin jawaab uu ka sugayey, halka jawaabta isaga laga sugayey.

Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen ayaa rumeysan inaysan arrin wanaagsan u muuqan inay go’aan qaataan ayaga oo aan la hadlin mucaaradka. Guudlaawe, waxaa la doortay un laba bil ka hor, oo ma helin fursad uu kula kulmo mucaaradka, halka Lafta-gareen, inkasta oo uu aad ugu xiran yahay Villa Somalia uu doonayo inuu ugu yaraan isu muujiyo mas’uul xal raadinaya.

Illaa iyo hadda ma cadda tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan saddexdan madaxweeyne goboleed.