Cabdi Xaashi oo si kulul uga hadlay go’aankii DF, una jawaabay QOOR QOOR

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka hadlay go’aankii doorashada ee ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya, isaga oona sidoo kale u jawaabay madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Ugu horreyn Cabdi Xaashi ayaa nasiib darro ku tilmaamay go’aanka xukuumadda ee qabashada doorashada, iyada oo aan weli xal rasmi ah laga gaarin doorashooyinka, gaar ahaan guddiyadeeda iyo arrinta gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda & Jubaland.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha aqalka sare ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta, haddii la qabto doorasho aan hehsiis lagu wada aheyn.

“Wa nasiib darro weyn oo xukumaddu ku dhawaaqday in dalku doorasho galayo, iyadoo aan wali wax xal ah laga gaadhin tabashooyinka laga keenay guddiyada doorashada lagu muransan yahay, doorashada xildhibaanada ka soo jeeda gobollada Waqooyi, khilaafka ka taagan gobolka Gedo iyo arrimaha kale ee la xidhiida maamulka iyo habraacyada loo marayo doorasho laysku waafaqsan yahay oo dalka oo dhan isku mar ka dhacda,” ayuu yiri.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray, haddii la qabto doorasho dalka oo dhan aan laga qabaneyn in taasi ay dhabarjab ku noqoneyso midnimada dalka.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in wax laga xumaado ay tahay in Madaxweynaha iyo ra’iisul rasaaraha diideen in laga wada-hadlo khilaafka ka taagan, si xal looga gaaro.

Dhinaca kale guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa u jwaabay madaxweyne Qoor Qoor, wuxuuna yiri  “Anaga oo tixraqaceynoo shirkii jaraa’id oo ay shalay qabteen Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha Galmudug , waxaanu halkan ku Cadeeyneynaa in haba yaraatee aysan waxba kajirin hadalka Madaxwayne Qoor Qoor ee ah in naloo soo celiyey jawaab tanaasul ku jiro, shirkii Garoowe kadib majirto cid noola timid wax heshiis iyo wada hadal ah,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo shalay xukuumadda federaalka  Somalia ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ku dhowaaqaday inay go’aan-satay qabashada doorashooyinka dalka ee 2021-ka, si aan dadka Soomaaliyeed looga lumin waqti kale.