Dagaal culus oo ka socda Degmada WANLAWEYN

Walanweyn (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi goordhow ka bilaawday dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Maamulka degmada.

Dad ku sugan Walanweyn ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in dagaalka uu ka socdo Xaafada Muuri ee degmadaas, isla markaana uu u dhaxeeyo Ciidamo ay kala wataan guddoomiyaha degmada Walanweyn Maxamed Siidow Yaxye & Guddoomiye kuxigeenka  Arrimaha Bulshada ee dhawaan loo soo Magacaabay degmadaas.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii la isku sida dadka deeganka ay Caasimadda Online u sheegeen isbaaro la dhigay gudaha degmada.

Isbaarada ayaa la tilmaamay inuu dhigay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada wanla-weyne arrintaasi ayaa waxaa kasoo horjeestay guddoomiyaha degmada sida ay dadka inoo sheegeen.

Inta la ogyahay laba ruux ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay dagaalka hayeeshee aan la ogaan Karin qasaaraha dhabta ah maadaama dagaalka socdo.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee degmada Walanweyn Axmed Cabdi Maxamed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in uu soo weeraray guddoomiyaha degmada Walanweyn oo Ciidamo wato.