Xog: Kulan xasaasi ah oo hadda ka socda Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa martiqaad qado ah u sameeyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha saddexda maamul goboleed ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.

Ilo wareedyo ayaa Caasimadda Online u sheegay in shirkaan ka socda Villa Somalia looga hadlayo waxyaabahii kusoo kordhay arrimaha la isku mari la’yahay ee doorashada iyadoo shalay ay dowladda ku dhawaaqday in horay loo gali doono doorashooyinka isla markaana aan wakhti la lumin doonin.

Shirkaan wuxuu kusoo aadayaa ay ilo wareedyo kale sheegeen in caawa ay ballansan yahiin Midowga Musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweynayaasha saddexda maamul goboleed ee ku dhinac ah dowladda.

Tallaabada ay dowladdu qaaday shalay ee ay ku shaacisay in dalka doorasho aadayo waxey timid kadib markii Axmed Qoor Qoor oo muddooyinkii dambe waday waanwaan siyaasadeed uu ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka inuu wax jawaab ah ka waayay.

Si kastaba Qoor Qoor oo lagu tilmaamay inuu marin habaabinayo xalinta khilaafyada jira ayaa lagu eedeeyay inuu midowga musharaxiinta magac xumeeyay maadaama uu ka been sheegay sida uu ka dhawaajiyay Afhayeenka Midowga Ridwaan Xirsi oo shalay shir jaraa’id kaga jawaabay eedaha loo soo jeediyay.

Go’aanka ay dowladda qaadatay waxaa lagu sheegay mid qar iska tuur ah iyadoo ay jiraan waxyaabo badan oo wali ku gadaaman arrimaha doorashooyinka oo ay ka mid yahiin arrinta Gedo, Cabdi Xaashi, Guddiyada lagu muransan yahay iyo arrimo kale.