Muuse Biixi oo sameeyay isku shaandheyn ballaaran iyo wasiiro ay siibtay (Aqriso)

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhoweyd waxa uu soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn balaadhan, taasi oo xilalkii kaga qaaday Mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa, kuwaasi oo isugu jira wasiiro, kuxigeeno iyo agaasimayaal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumada, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 12-xubnood.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Hinda Jaamac Xirsi Maxamed
Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Ku: Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray)
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Cali Xuseen Nuur Beegsi
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
Ku: Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
Ku:  Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
Ku: Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf
Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ku: Xuseen Xaaji Xasan Guuleed
Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare
Ku: Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Ku: Maxamed Xasan Sheekh Muumin
Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare

Marwo iyo Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey:  La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Saleebaan Warsame Guuleed Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda
2. Mustafe Godane Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
3. Siciid Axmed Jibriil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
4. Axmed Cali Maax Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
5. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
6. Rooble Cabdi Muuse Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha
7. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
8. Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan Daahir Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-geshiga
9. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka
10. Mukhtar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
11. Aamina Xuseen Maxamuud Jaamac Agaasimaha Guud ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
12. Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur Agaasimaha Guud ee Guddida Doorashooyinka Qaranka