Axmed Madoobe oo ka jawaabay go’aankii Rooble iyo arrintii uu Qoor Qoor ‘ka been sheegay’

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka digey in doorasho hal dhinac ah dalka ay ka dhacdo, waxana uu ku baaqay in shir la isugu yimaado oo la wadahadlo.

Isagoo ka hadlayay magaalada Kismaayo oo uu dib ugu laabtay maanta ayuu sheegay inay nasiib darro tahay inaysan dowladda Federaalka waxba ka qaban caqabadihii soo baxay wixii ka dambeeyay markii la saxiixay heshiiska Doorashada 17-ka September oo muddo badan laga aamusnaa.

Waxa uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka digey in dad gaar ah la yiraahdo doorasho qabta, islamarkaana la diido in la wada-hadallo, kuwaas oo uu ula jeeday Maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koofur Galbeed.

“Waxaan ka digayaa in farriimo aan jirin la is weydaarsado, doorashadana la yiraahdo hebel iyo hebelow qabta…hebel iyo hebel oo bannanka ka jooga waxaa ka imaan kara waan garaneynaa, Soomaaliya haddii ay xamili karto anaa iri iyo keli-talis ma aysan burburteen, maxaa diidaya in la isu yimaado..?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa caddeeyay in markii la isugu tegay magaalada Garowe ay shirar dhex mareen saddex madaxweyne maamul Goboleed, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare oo ay wehliyaan Mushariixinta qaarkood, ayna isla garteen in xal loo helo saddex caqabad oo hortaagan Doorashada.

“Qoor Qoor anagoo sugeyna inuu nagu soo laabto ama shir la qabto, ayaan maqalnay waa la aqbalay heshiiskii, jawaabna waa laga waayey dhinaca kale…waxaan ku talinayaa mas’uuliyaddu dadku ma wada raaceyso.. waxay taabaneysa dadka mas’uuliyadda haya ee ha la isu yimaado,” ayuu yiri Axmed Madoobe .

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaalada gobolka Gedo waxana uu sheegay inuu diyaar u yahay in la fuliyo heshiiskii September 17 ee Muqdisho balse la isku fahmi la’ yahay qaabkii loo fulin lahaa.

“Waxan diyaar u nahay inaan qabano doorasho,waana ina la abuuraa qaab aan uga qaban karno doorasho Garbahaareey maamul kama jiro amni kama jiro, waa in Maamul Goboleedka loo daayo doorashada,” ayuu yiri.

Hadalka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa imaanayo xilli shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku dhawaaqay in Xukuumadiisa ay qaban doonto doorashada isla markaasna aan loo xayirnaan doonin maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale hadalka Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa ka hor yimid dhammaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, waxayna ku baaqeyn in shir deg deg ah la isugu yimaado si looga tashto aayaha dalka.