Khilaaf soo kala dhex galay Dabageed iyo CALI JEYTE

Beledweyne (Caasimadda Online) – Waxaa soo shaac baxay khilaaf culus oo soo kala dhex galay madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Khilaafka labadan masuul ayaa salka ku haya canshuurta gobolka, taas oo la sheegay in Yuusuf Dabageed uu ka dalbaday guddoomiye Jeyte inuu ku soo wareejiyo, balse guddoomiyaha ayaa ka biya diiday dalabkaas.

Sidoo kale Wararka naga soo gaarayo Magaalada Beldweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheega in ay halkaas ka jirto xiisad ka dhalatay gadood ay sameeyeen ciidamadii la sheegay inay kasoo goosteen General Xuud oo horey u shaaciyey inuu kasoo horjeedo Maamulka Hirshabelle.

Sababta ay ciidamadaan ku xareysnaa xerada Lama-Galaay u gadoodeen ayaa lagu sheegay inay tahay ballan ka bax ay ka tirsanayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Jeneraal Mukhtaar oo muddooyinkii dambe ka shaqeenayey xalinta khilaafka ka taagan dhismaha Maamulka cusub ee Hirshabelle.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa mugdi soo galeyso, waxayna Dowladda Dhexe halkaas geysayo ciidamada booliska gaarka u tababaran ee Haramcad, iyadoo laga cabsi qabo in magaalada ay marti u noqoto dagaal.

General Xuud iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa ku sugan duleedka Magaalada Beldweyne, wuxuuna sheegay inuu raadinayo xaq uu sheegayo inuu ka maqan yahay Gobolka Hiiraan.