Farmaajo oo tijaabo ahaan u adeegsaday R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay faah-faahinta kulan ka dhacay Villa Somalia kahor inta uusan ra’iisul wasaare Rooble ku dhowaaqin in dowladda ay guda galeyso doorashada.

Kulankan oo ay galeen madaxweyne Farmaajo, taliyiha Nabad-Sugidda, guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa waxaan goobjoog ka aheyn ra’iisul wasaare Rooble.

Kulankan oo xilli dambe lagu gaaray ayaa markii uu soo gaba-geboobay, waxaa xafiiska ra’iisul wasaaraha la isugu yeeray kulan kale oo muddo kooban socday, ujeeddaduna ahayd in ra’iisul wasaaraha lagu war-geliyo go’aanka la gaaray.

Kaalinta ra’iisul wasaare Rooble ee go’aanka iyo maamulka doorashada ayaa aad u kooban, waxaana la rumeysan yahay madaxweyne Farmaajo u adeegsanayo Rooble kuna tijaabinayo go’aanada khatarta ah ee laga yaabo in dib looga laabto, si eedda ay xukuumadda u qaadato, oo aysan ugu soo leexan madaxtooyada..

Labada hadal ee ay jeediyeen Madaxweyne Qoor Qoor iyo Rooble ayaa qeyb ka ahaa waxyaabihii ka soo baxay kulankaas, iyada oo markii la duubay iyo xilliga la baahiyay ay u dhaxeysay 11 saacadood oo la sugayay ogolaanshaha madaxweynaha, oo si shaqsi ah u daawaday muuqaalka qeybna ka qaatay tifaftirka.

Qorshahan ayaan aheyn mid cusub, waxaana madaxweyne uu marar badan go’aano halis ah uu sidan oo kale ugu adeegsaday ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, kadibna isaga un ka laabtay, uguna muuqda inuu xal doon yahay. Xilligii doorashdii madaxweynaha Jubaland August 2019, xukuumadda Kheyre ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegtay in dowladda Federaalka ah aysan aqoosaneyn natiijada doorashada Jubalanad, balse June 2020 ayuu madaxweyne Farmaajo shaaaciyay in uu oqoonsaday madaxweynenimada Madoobe.

Caasimada Online ayaa fahansan in madaxweyne Farmaajo uu isa siinayo fursad uu wadahadal kula geli karo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe islamarkaana uu cadaadis ku saari karo, waana taas sababta uusan hadal uga tegin ee uu Rooble ku noqday ninka lagu tijaabiyey xiisadda kacsan ee doorashada.

Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xulafada la ah iyo duqa Muqdisho ayaa qeyb ka noqday qorshaha madaxweyne Farmaajo adeegsanayo, iyada oo aysan jirin cid kale oo wadahadal furi karta kadib go’aankii xalay.