Wafdi ka socda Kenya oo imanaya MUQDISHO iyo ujeedka socdaalkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, ayada oo la isku dayayo in la dhameeyo khilaafka u dhaxeeeya labada dal.

Labada dal ayaa waxaa u billaaban doona wada-hadallo ay garwadeyn ka tahay IGAD oo lagu dhameynayo xiisadda ka dhex oogan kadib markii Soomaaliya ay xiriirka u jartay Kenya, ayada oo ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha dalka, taasi oo Kenya ay beenisay.

21-kii December, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo kamid ahaa wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee tegay Jabuuti, halkaasi oo IGAD ay ku wada-hadalsiisay madaxda labada dal, ayaa sheegay in IGAD ay cadaadis xoogan ku saareyso Soomaaliya inay xaliso xiisadda Kenya.

IGAD ayaa wixii markaas ka dambeeyey wadday isku day lagu sii heshiisinayo labada dal, ayada oo wafdi xaqiiqo raadin ah, oo ka socday Jabuuti  u dirtay xuduudda labada dal.

Illaa iyo hadda ma cadda heerka wafdiga maanta imanaya Muqdisho, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya inay yihiin wafdi heer sare ah, waxaana lagu rajo weyn yahay in la dhameeyo xiisadda labada dal.