Shan arrin oo ka dhalan kara go’aanka ay dowladda ku qabaneyso doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madax goboleedyada ay maamusho Villa Somalia ayaa shalay ku dhowaaqay inay dalka ka qabanayaan doorasho aan la isla ogoleyn.

Tani waa tallaabo u muuqato in aan laga fikirin waxa ka dhalan doono islamarkaana basiin kusii qabaneysa daganaansho la’aanta siyaasadeed ee Soomaaliya iyo amniga oo aan markii horaba laheyn sal fadhiya.

Khubarada Siyaasada Soomaaliya ayaa isku raacsan in go’aanka dowlada uu yahay mid dalka ka abuuri kara dhibaatooyin sababi kara burbur iyo dagaalo sokeeye haddii aan la helin waddo midaan ka duwan oo ka timaada mucaaradka iyo beesha caalamka.

Go’aankaan waxaa ka dhalan karo dhowr tallaabo oo kala ah.

1- In dowladda Soomaaliya ay doorasho ka qabato maamullada taageersan, gobalka Gedo oo Jubaland oo dhan matali doono iyo Gobaka Banaadir, waxaana meesha ka bixi doonto Puntland halka markii horey ay maqneyd Somaliland.

2- In Haddii ay dowladda Soomaaliya Gedo ku qabato doorasho baarlamaan, inay dhici karto ay weerarto Jubaland islamarkaana uu halkaas dhiig ku daato.

3- In mucaaradka ay qaadaan talaabooyin looga falcelinayo go’aanka dowladda, sida inay ayagana doorasho qabtaan, islamarkaana dalka ka dhici karto xaalad gacan ka hadal ah ama dagaalo sokeeye ah.

4- In dalka uu yeesho dowlad aan la isla ogoleyn 20 sano kadib taas oo keeni karta in dowladaas ay shaqeyn weyso islamarkaana dib u dhac xoog leh yimaado.

5- Iyo in beesha caalamka ay qaadato go’aan kale oo ka madaxbanaan midka siyaasiinta Soomaalida Mucaarad iyo Muxaafad maadaama ay dhaqaalo badan ku bixisay soo kabashada Soomaaliya, go’aankaas oo aan ilaa hada la ogeyn nuuca uu noqon karo.

Si kastaba go’aanka ay qaadatay Xukuumada Soomaaliya ayaa u muuqdo mid uga sii dara kara xaalada Soomaaliya lamana oga sida ugu dambeyn ku dhamaan doonto is-mara-waayga siyaasadeed ee Soomaaliya.