KENYA oo duqeyn hor leh ka geysatay gobolka Gedo

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay gobolkaasi ay duqeymo dhanka cirka ah ka geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya, iyada oo haatan laga helayo faah faahinodheeraad ah.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa lala bartilmaameedsaday deegaanka Raaso-Ugaas oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaas oo ay ku dhaqan yihiin dad xoolo dhaqato.

Illaa 7 gantaal ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen deegaankaasi, lamaga oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Sidoo kale is-gaarsiinta deegaanka la duqeeyey ayaa aad u liidata, taas oo hoos u dhigtay in xog badan & macluumaad laga helo weerarkaasi.

Inta badan ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa weeraro xoogan ka fuliya gobolkaasi oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba duqeymaha diyaaradaha dagaalka wadanka Kenya ay fuliyaan ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee ku nool deegaanadaasi.