Askar ka tirsanaa ciidanka AMISOM oo qarax lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa faahin faahin dheeraad ah ka bixisay qarax ciidamadeeda ka tirsan howl-galka AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay agagaarka xadka dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya & Kenya.

Qoraal ka soo baxay milatariga Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi qaraxa ah looga dilay ugu yaraan illaa afar askari, sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Kenya ayaa shaacisay in qaraxaas lala bartilmaameedsaday ciidamada, xilli ay ku safrayeen wadada dheer ee Dhoobley.

“Weli waan aruurineynaa macluumaadka, illaa iyo hadda, waxaan helnay warbixin xaqiijineysa dhimashada afar askari oo ka tirsan ciidanka difaaca Kenya ee lagu dilay weerarka. dhaawacyadu waxay gaari karaan sideed askari,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa sheegtay in askarta qaba dhaawacyada halista ah loo qaaday magaalada Nairobi, si loogu soo dabiibo xaaladooda caafimaad.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro jidgal ah ka fuliso deegaanada ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan.