Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Soomaalida iyo Booranta waddanka Kenya

Nairobi (Caasimada Onlin (Caasimada Onlin) – Ugu yaraan todobo ruux ayaa ku dhintay isku dhacyo dhex-maray Soomaalida iyo Booranta ku dhaqan deegaanada u dhow magaalooyinka Wajeer iyo Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dadka dhintay oo u badan Soomaali ayaa ahaa rayid Xoolo Dhaqto ah, kuwaas oo laga hor istaagay dhul daaqsimeed ay leeyihiin.

Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay in haatan xaaladdu ay aad u xun tahay, islamarkaana laga cabsi qabo dagaallo kale.

Sidoo kale waxa aymas’uuliyiintu ugu baaqeen dowladda Kenya inay wax ka qabato Booranta oo la sheegay in duulaan ku yihiin dhulka ay dagan yihiin Soomaalida

Dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanadaasi ayaa sidoo kale bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda, si aysan waxyeelo uga soo gaarin weeraradaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoo weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo magaalada Wajeer iyo deegaanada hoos yimaada ee dalka Kenya.