Weerar khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay QORYOOLEY

Qoryooley (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay weerar culus ku qaadeen Shabaabka ku sugan aagga degmada Qoryooley ee gobolkaas.

Ciidamada is garabsanaya ayaa weerarkooda ku beegsaday tuulooyin hoos yimaada degmadaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Qoryooley oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku gaareen deegaano horleh.

“Aroortii hore ee maanta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga oo is garabsaneyno waxaan weerar ku qaadnay qolada Khawaarijta ah oo agagaarka degmada Qoryooley, gaar ahaan ayaga oo joogo tuulooyinka hoos yimaada degmada,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in guullo waa weyn ay ka gaareen weerarkaasi, ayna ku dileen ugu yaraan saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

“Guullo ayaan ka gaarnay tuulada la yiraahdo Gaawirow ayaa ka weerarnay fariisimo ay ku leeyihiin, ayaga waxaa ka dhimatay saddex rag ah, maydkoodana waa qaateen, annaga xaggeena wax dhibaato ah nama soo gaarin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in goobaha lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada dolwadda iyo kuwa Koonfur Galbeed, ayna sii wadi doonaan howlgallada.

“Goobaha la weeraray ciidamada ku sugan, mana laga soo tegaayo, insha allah inaan horay u socono ayaan rabnaa” ayuu yiri Taliyaha Daraawiishta Koonfur Galbeed ee Qoryooley.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo xoogan oo gaysta khasaarooyin kala duwan.