Sawirro: Ciidamada DF oo Shabaab ka soo badbaadiyey nin uga goostay Jamaame

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxamed Cumar Maxamed oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isu-soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Cumar ayaa ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda eek a howlgala degmada Jamaame iyo nawaaxigeeda, sida uu ku sheegay wareysi ay saraakiishu la yeesheen.

Ciidamo ka tirsan Guutada 11-aad, qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga ayaa Maxamed oo ay eryanayaan xubno kale oo Shabaab ah kaga hor tegay duleedka deegaanka Baar-sanguuni.

Saraakiisha soo qabatay ninkaan ayaa warbaahinta u sheegay inay ka soo badbaadiyeen koox ay ka wada tirsanaayeen Al-Shabaab oo dooneysay inay disho, markii la ogaaday inuu baxsad yahay.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in Al-Shabaab ay xoog ku askareeyeen isagoo jira 8-sano, isla markaana hadda uu jiro 21-sano.

Wuxuu sheegay in hadda uu adkeysa waayey dhibaatada ka jirta gudaha kooxda iyo cabsida ay ku hayaan weerarrada ay fuliyaan ciidamada dowladda.

Sidoo kale ninkaan ka soo baxsaday Al-Shabaab wuxuu sheegay inay aad uga cabsa jireen duqeymaha, isla markaana ay galeen go’doon markii dambe ku kalifay inuu isaga soo cararo deegaanadii ay joogeen.

Al-Shabaab oo ka war helay inuu ka soo goostay ayaa soo eryaday wuxuuna sameeyey iska cabin oo waa dagaalamay, dad shacab ah oo ku nool deegaanadii uu ka soo gudbay ayaa u soo sheegay ciidamada dowladda, taas oo fududeysay in laga hor tago oo laga soo badbaadiyo kooxdii eryaneysay.

Maxamed wuxuu sheegay in kuwa eryanaayey isaga ay laftigoodu dhiban yihiin, isagoo ugu baaqay inay ka soo baxaan noloshaas quusta ah, 13 sano oo Shabaab uu ka tirsanaa wuxuu sheegay in markii ugu adkeed ay hadda  ku jirto kooxdu.