Weerar lagu dilay shacab oo xalay ka dhacay MUDUG

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar ay maleeshiyaad hubeysan xalay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug, kaas oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Dhagxanya-cadde oo u dhow degmada Galdogob ee gobolka Mudug, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka hubeysan oo goobta isaga baxsaday ayaa la sheegay inay mar qura rasaas ku fureen dadkaasi shacabka ah, xilli ay ku sugnaayeen hoygooda oo ku yaalla Galdogob.

Inta la xaqiijiyey weerarkan ku dhintay ugu yaraan labo qof, halka uu ku dhaawacmay mid kale, kaas oo haatan lala tacaalayo xaaladdiisa caafimaad.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday dadkaasi, balse wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray deegaanka uu falkaasi ka dhacay, waxaana ay illaa iyo hadda wadaan howl-gallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana Dhagxanya-cadde laga dareemayaa xiisad xoogan oo ka dhalatay dilka loo geystay dadkaasi rayidka ah.

Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal  salka ku hayo aano Qabiil oo weli ka taagan deegaano dhaca gobolkaas oo ay marar kusoo noq-noqdeen dagaal beeleedyo.