Weerar lagu qaaday aroos ay Soomaali isugu timid oo ka dhacayay dalka Canada

Ottawa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay dabley hubeysan xalay ku qaadeen xaflad aroos oo ay Soomaali ku lahaayeen xarunta shirarka koonfurta caasimadda dalka Canada ee Ottawa.

Rag hubeysan oo aan heybtooda la gaaran ayaa mar qura rasaas ooda uga qaaday martida timid arooska, xilli ay ku sugnaayeen goobta ay ka dhaceysay xafaladda.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay weerarka, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Warsame Cabdi Maxamed oo kamid ah ehellada ku sugnaa goobta,

Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa Saciid Maxamed Cali oo 26 jir ahaa iyo Cabdishakuur Cabdi Daahir 29 sanno jir ahaa kuwaas oo xafladda uga yimid magaalada Toronto.

Warsame oo sharraxay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in rasaasta ay bilaabatay xilli ay dadweynaha kusii xaroonayeen hoolka uu dhacayay arooska.

“Walaalow aroos ayaa jiray, iyaga oo dadka meelo kala duwan uga yimaadeen meesha xafladda arooska, ayada oo la joogo ayaa waxaa dhacay in qolo aan la garaneyn oo hubeysan xilligii hoolka la geli lahaa inay rasaas fureen waxay wax ku gaartay dad siddeed qof ah, laba qof way dhinteen, lixda kalena way dhaacmeen” ayuu yiri Warsame Cabdi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan garaneyn cidda ka dambeysay falkaas iyo sababta ay u beegsadeen xafaladda arooska ah.

“Cid la garanayo oo hadda la dhihi karo ciddaas ayaa weerarka nagu soo qaaday iyo sababtaas ay usoo qaaday midna ma jirto” ayuu Warsame hadalkiisa sii raaciyay.

Booliska Ottawa ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo haatan wada baaritaano ku aadan weerarkaasi, ayaga oo dalbaday in laga gacan siiyo xoga baarista.

Canada ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro kala duwan oo lagu beegsado Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka waa weyn ee waddankaasi.