Weerar lagu qaaday xarunta wasaarada gaashaandhiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa jug culus iyo qaraxyo caawa laga maqlay meel u dhaw xerada saraakiisha ciidamada ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo xero Jarmal, kuwaasi oo jugtooda laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa bilaawday rasaas ay rideen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen gudahaxarunta wasaaradda  oo ku taalla degmada Deyniile, intaas kadibna ay rasaas ka bilaabatay gudaha iyo daafaha xerada.

Xaaladda ayaa aad u kacsan welina lama ogaa karo khasaaraha ka dhashay weerarka iyo rasaasta ka dambeysay.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online