Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay GALGADUUD

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka geysteen waqooyiga gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

Weerarka oo ka dhacay tuulada Indha Kayd doo hoostaga deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, sida uu Caasimada Online u xaqiijiyey Weriye Abdulahi Warsame Roble oo Dhuusamareeb jooga.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay ay beegsadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkan ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kamid ah dadka deegaanka.

Maleeshiyaadka ka dambeeyay dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa halkaasi.

Sidoo kale xogta uu nasiiyey Weriye Abdulahi Warsame Roble ayaa intaasi kusii daraysa in xiisad colaadeed haatan laga dareemayo duleedka deegaanka Huurshe oo ah meesha uu weerarka ka dhacay.

Falkan ayaa lala xiriirinayaa dilalka aanooyinka qabiil ee inta badan ka dhaca gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi.

Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee ay isku geysanayaan maleeshiyaadka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan gobolladaasi oo haatan la’isku yiraahdo Galmudug.