Weerar Soomaali lagu dilay oo ka dhacay KAMPALA

Kampala (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay kooxo hubaysan magaalada Kampala ee dalka Uganda ugu geysteen muwaadin Soomaaliyeed.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaaba Liibaan Maxamed, wuxuuna kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Dableyda hubeysa ayaa sidoo kale waxay dhaawac u gaystay muwaadin Soomaaliyeed oo kale kaasi oo dhaawiciisa lagula tacaalayo isbitaqlka magaalada Kampala.

Liibaan ayaa waxaa la sheegay in xilli saqdhexe habeenimo ah ayaa lagu weeraray guri ay ka deganayeen magaalada Kampala, waxaana lasoo warinaya inay weerarkaasi geysteen illaa afar nin oo ku hubeysnaa bistoolad.

Bakar Cali Nuur oo kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Kampla ee dalka Uganda oo la hadlay VOA ayaa dhacdadaan ku tilmaamay mid ugub ah.

“Booliska waxay sheegeen inay ku howlan yihiin dhacdadaan, waxaana socda baaritaano kala duwan, runtii magaalada waxay lahaan jirtay dhacdooyin qaar oo tuugo lala kulmo oo dadka mobile ka qaata, laakiin waa ugub dad bistoolad ku hubeysan inay weerar geystaan,” ayuu yiri Bakar Cali Nuur.

Waxa uu intaas kusii daray “In bistoolad ama waxyaabo kale oo xabaddaha ah la isticmaalayo oo dad tuugo ah oo hubeysan ku weeraraan waa dhacdo cusub oo ugub ah oo soo korodhay.”

Majirto weli cid loo soo qabtay falkaan, waxaana lasoo warinaya inay weli socdaan baaritaano iyo dadaalo la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa danbiilayaasha falkaan ku kacay.