Weerarkii Villa Rays kadib, Villa Somalia oo halis ku jirta

Weerarkii lagu qaaday Villa Rays, waxay la mid tahay mid lagu qaaday xafiiska madaxweynaha maxaa yeelay labaduba waxay ku yaalaan goob isku dhaw oo ammaankooda aad loo ilaaliyo. Sidaas daraadeed, kuwii galay Villa Rays, waxba lama ahan in ay weeraraan guriga ama xafiiska Madaxweynaha ama Ra’isul Wasaarahaba.

Tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday ku meelgaarnimadii, dibna u hanatay dowladnimadeedii, waxaa lagu haminayey in amnigu ka soo fiicnaanayo maadaama amnigu yahay furaha nolosha iyo horumarka, laakiin ma dhicin sababo kala duwan awgood, waxaase ugu weyn:

1- Taliyayaasha oo lagu soo xulo hab qabiil ama xulufeysi

Hay’adaha amnigu waxay heegan u yihiin sugidda amniga dadka iyo dalka, shacab iyo mas`uulba. Inta badan taliyaasha laguma soo xulo karti, aqoon iyo aaminaad, ee waxaa lagu doortaa in lagu qanciyo qabiil iyo in uu yahay nacamleeye.

Sidaas darted, sax ma ahan in qabiil lagu saleeyo oo u adeegaan qabiil ama xulufo gooni ah sida lagu arkay habdhaqanka wasiiradda badankood.

2- Tuugadii iyo argagixisadii oo ku milantay Hay’adihii amniga.

Dowladahii ku meelgaarka ahaa xildhibaanimada waa laga carari jiray, qabiilkasta wuxuu u soo dirsan jiray midkooda ugu liita si uu biil uga helo. Hadda waxay u muuqataa in ciidamadii ay ku soo bateen dad la shaqeeya argagixisada, kooxaha abaabula dambiyada qorsheysan iyo ilmo deyro ah oo waalidkood dhaqan celis ugu soo dareen Hay`adihii Amniga.

Xalka muxuu yahay?

Labo isma qabato. Amni ayaan rabnaa, dhiiqadii iyo khaladaadkii aan inka badan tobansano ku celcelineynana wax ka badali meyno ma shaqeyneyso.

Soomali waxey tiraahdaa “tuug tuug ma qabto”. Mudane madaxweyne, taliye tuug ah, tuug kuu soo qaban maayo, amnina kuu sugi maayo. Mid aa ku soo xushay in aad qabiil ku qanciso ama xulafeysi wax kuu tari maayo horaa loo soo arkay.

Waxay ahaataba, “caano daatay dabadood la qabay” ee mudane madaxweyne wali fursad baa heysataa aad dib u habeyn dhab ah ugu sameynkartid Hay`adaha amniga. Amnigii caasimadda iyo kii waddankaba waa liiqliiqanayaa ee qaado go`aan geesinimo leh sida aad u qaadatay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo soo xul taliyayaal leh karti, daacadna ah kana fog qabiil iyo eex si ummadan Sommaaliyeed ee dhibaatooyinka dilootay loo samata bixiyo.

Waxaa qoray Saciid Axmed Xaaji (Careys) oo ka foollooda arrimaha amniga.
Email: saidhassan18@live.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.