Weriye Coldoon oo shaaca ka qaaday arrimaha lagu haysto & cida shirqooshay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa muddo ku siman 6-cisho u xidhan xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Wariye Coldoon ayaa labo cisho ka hor la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex, iyadoo Ciidankii soo qabtay ku amartay inay dib ugu celiyaan gobolkiisi Togdheer, Balse Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland ayaa maanta isaguna soo saaray go’aan ah in dacwada ka dhanka ah Coldoon lagu qaado maxkamada gobolka Maroodi-jeex, kadib markii Xeer ilaalintu ku andacootay arrimo la xidhiidha dhinaca amniga.

Wiil ay walaalo yihiin Wariye Coldoon oo lagu magacaabo C/raxmaan, ayaa Caasimada Online u sheegay arrinta lagu xidhay wariyaha, wuxuuna yiri “Waxyar ka hor ayaan la hadlay Coldoon isagoo dhakhtarka jooga, wuxuuna ii sheegay in Ciidamadii Maxkamada geyay ay ku oogen dambi ah inuu wax ka sheegay ciidanka Somaliland, kuwaasi oo ku eedeynayey hadal uu qorin oo ku saabsan Saraakiil tiro badan oo isku beela kasoo jeeda”.

Wiilkan la dhashay Coldoon oo la hadlayey Shabakada Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegay in Wariyuhu uu beeniyay warar maalmihii udambeeyay la isla dhex-marayey oo sheegayay inay shirqoolen Coldoon, Labadiisi saaxiib ee wada-shaqeyntu ka dhaxeysay.

“Waxaan kale oo aan weydiiyey C/maalik in la shirqoolay qabashadiisi, wuxuuna ii sheegay inaan la shirqoolin, saaxiibadiina ay wax lug ku lahayn soo qabashadiisa” ayuu yiri C/raxman Muuse Coldoon.

Sidoo kale C/raxman ayaa sheegay inay Xukuumada Muuse Biixi ay ciil badan u qabto Coldoon, kaasi oo ku tilmaamay talaabadan xadhigiisi mid ay Xukuumadu ku aarsaneyso.

Si Kastaba, Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa markii la horgeeyay Wariye Coldoon sheegay in aan Wariyaha xadhigiisa loo marin sifo sharci oo aysan haysan amar qabasho oo ay kusoo xidheen ciidankii soo qabtay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com