Puntland oo xukun ku riday sarkaal lagu helay musuq

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maxkamad ku taala magaaladaasi ay xukun ku riday sarkaal ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Maxkamadda darajada Koowaad ee Maamulka Puntland ayaa xukun iyo Ganaax lacageed isugu dartay sarkaal horay uga tirsanaa Wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland kaas oo musuq lagu soo eedeeyay.

Ninkan oo 26 jir ah ayaa ka tirsanaa qeybta Dakhli ururinta Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland waxaana eedaha loo heysto ka mid ah lunsiga lacag dhan $2751 doollar, sameynta waraaqo been abuur ah oo uu lacago ku qaadanayay iyo eedo kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Puntland Abuukar C/Nuur Jaamac ayaa Cawaale Maxamuud Sheekh ku xukumay 4 Sano oo Xabsi ah iyo bixinta lacag ganaax ah oo gaareysa $500 Doollar.

Booliska Maamulka Puntland ayaa Cawaale Maxamuud Sheekh waxaa ay ka qabteen degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Muddooyinkii ugu dambeeyay Puntland ayaa la dagaalameysay dadka lagu eedeeyo Musuq maasuqa hantida dadweynaha, waxaana sidoo kale maxkamadda ay shaacisay in dad kale maxkamad lasoo taagi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com