Fallanqeyn: Xalka qorshe l’aanta amniga Soomaaliya

Xaaladdahan amni xumo ee ka taagan Soomaaliya waa mid u baahaan in loo maro waddadii saxda ahayd  ee lagaga gudbilahaa dhibtan aan dhammaadka iyo ka gun-gaadhista lahayn. 

Waxaad mooddaa in xeeladaha loo wajahaayo dagaalka iyo ka hortagga cadawga uu yahay mid aan sal fiican ku fadhiyin, waana qorshaha dagaal iyo hawl-gal ee is bedeli kara goor kasta oo masuul hormuud u ahaa qorshaha dagaalka xilka laga qaado ama mid aan khibrad u lahayn loo dhiibo hoggaanka duullaanka qorshaysan. 

Is bed-beddelka xaalladaha caynkan ahi waa kuwa hormuudka u ah in uu waddanku jiitamo, arrinta amniguna ay noqoto “jug-jug meeshada joog” 

Si looga gun-gaadho xaaladaha amni iyo qorshayaasha la jecelyahay ee ah in la helo amni waa in ay dawladdu dejisaa qorshe ka duwan midkan muddada lugu caano-waayay ee noqday ma-dhalayska. 

Amniga Soomaaliya wakhtigan waxa uu u baahanyahay in loo weeciyo ciddii khibradda iyo aragtida u lahayd, wanaa lagama maarmaan In meesha laga saaro nidaamka lugu soo xulo masuuliyiinta loo Xil-saaro sugidda amniga iyo howl-gallada, nidaamkaas oo ah mid qabiil.

Sababta uugu weeyn ee amniga Soomaaliya ka dhigtay mid aan laga gun-gaadhin waa nidaamka qabiilka ee ay ku dhisantahay qaybaha kale ee dawladdu. 

Qorshaha labaad ee uu amnigu u baahanyahay waa in meesha laga saara nidaamka is beddelka badan ama qof ku habboona hoggaanka amniga lugu fogeeyo in la soo shaqeeyay xuukuumad hore oo wakhtigeedu dhammaaday, qofkaasna aan laga soo qaadin mid raacay xukuumaddii hore. 

Marka laga hadlaayo howlaha amniga iyo nidaamka ku habboon waxa uu tilmaamayaa, masuul kasta oo ciidamada iyo amniga hoggaan ka noqdaa in uu yahay qofkaasi hanti dalku uu leeyahay, mudannayahay illaalin iyo Qaddarin goonni ah. 

Balse dhibaatada uugu weeyn ee Soomaaliya haysata ayaa ah in maanta raggii amniga wax wanaagsan ka soo qabtay ay dhammaantood bannaanka joogan iyaga oo aan wax talo iyo go’aan ah aan ku lahayn xaaladda amni ee ka jirta waddanka, waana sababta amniga Soomaaliya uu salka u dhigan la’yahay. 

MAXAA LOO BAAHANYAHAY SI LOOGA GUN-GAADHO XAALADDA AMNI-XUMO EE WADDANAKA.

Talo ahaan waxaan dalwadda u jeedinayaa in la sameeyo qorshe amni-qaran, lagana saaro meesha qorashaha kale ee logu magac daray golaha amniga oo ay ku midoobeen dad aan asal khibraddeed u lahayn xaaladda ammaan iyo ciidanba. 

Amniga waddanku waxa uu u baahanyahay in loo maro waddada saxda ah, waana in la sameeyo guddi amni-qaran oo ay hormuud u yihiin dadkii aynu naqaannay ee amniga dalka aan ku fashilmin balse looga caaydhiyay shaqada xukuumad is bedeshay ama habka wax qaybsiga beelaha, masuuliyiintaas oo ay ka mid ahaayeen raggii hoggaanka u soo noqday hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee ‘NISA’ iyo saraakiishii ciidamada qalabka sida. 

Waa in guddigaas la sameeyaa lagana dhigaa kuwo jiheeya qorshaha amni qaranka, waana in ay yeeshaan go’aammada uugu sarreeya ee amniga. 

Iyaguna waa in ay noqdaan kuwo jiheeya xaalladda mani ee waddanka, isla markaasna lagala xisaabtamo. 

W/Q: Cumar Rodol
Cumarrodol@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid