CID oo laba asbuuc kadib baaris ku bilowday dagaalka booliiska iyo milateriga

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda dambi baarista ee Booliiska Soomaaliya ayaa laba Isbuuc kadib shalay baaris ku bilaawday isku dhacyadii dhaxmaray Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Milateriga kuwaas oo ka dhacay Isgoyska Sanca ee Gobalka Banaadir.

Saraakiil katirsan Hey’adda CID ayaa tagay Isgoyska Sanca kuwaas oo Wareysi la yeeshay qaar kamid ah dadka ku Ganacsada Isgoyska Sanca iyo Goob joogayaal kale.

Mid kamid ah Ganacsatada Sanca ayaa Caasimada Online u sheegay in Saakay ay la kulmeen Saraakiil u sheegay in ay ka socdaan CID-da waxayna dadka weydiinayeen su’aalo ku saabsan cidii rasaasta bilaawday dagaalkii dhaxmaray Milateriga iyo Booliiska Soomaaliya.

“Waa ila kulmeen waxayna I waydiiyeen wixii ka ogaa, waana u sheegay siday wax u dhacee, laakiin waxaan weydiiyay sababta ilaa hadda loo baari la’yahay dilalkii kale ee Sanca ka dhacay iimana Jawaabin” ayuu Caasimada Online u sheegay Mid kamid ah Ganacsatada Sanca.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa toognaa doodo ku saabsan dagaalkii 3 maalin oo isku xigta Muqdisho ku dhaxmaray Ciidamo kawada tirasn Milateriga iyo Booliiska. Dagaalkii ugu adkaa uguna waqtiga dheeraa sidoo kalane ugu khasaaraha badnaa ayaa ka dhacay Igsoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa mid walba kan kale ku eedeynaya in uu rasaasta bilaabay balse dadka degaanka ayaa sheegaya in dagaalka ay bilaabeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya wali waxaa taagan xiisad u dhaxeysa labada dhinac inkastoo aan aad looga dareemeyn Gudaha magaalada Muqdisho.

Caasimada Onmline
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com