Wararkii ugu dambeeyay kumaandooska Puntland oo sarkaal sare laga dilay

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, loogu geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Kumaandooska Puntland.

Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada sida gaarka u tababaran ee PMPF waxaana la sheegay in askari kale uu ku dilay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Sarkaal la dilay oo lagu Magacaabi jiray Xasan Mire jaceyl ayaa ka dhacay taliska ciidamada (PMPF). Ee duleedka Boosaaso,waxaana la sheegay in uu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada, kadib khilaaf soo kala dhex galay.

Dilka kadib Ciidamada Puntland ee Saldhigaasi ku sugan ayaa la xaqiijiyey inay Gacanta ku dhigeen Askariga dilka u geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland gaar ahaan kuwa Kumaandoosta.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in askariga dilka u geystay sarkaalka dhawaan Maxkamad la horgeyn doono,isla markaana ay gacanta ku hayaan.

Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan sida ay isku qabteen labada ruux, waxaana xabsiga la dhigay askariga dilka geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com