Shir u dhaxeeyay xubno matalayay Puntland iyo DF oo fashil ku dhamaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliyo iyo maamulka Puntland ayaa khilaaf hoose uu soo kala dhex galay, kaasi oo ka dhashay mashaariic dhanka caafimaadka ah.

Warar Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay isku qabteen la wareegida Mashaariic Caafimaad oo muddooyinkii ugu dambeeyay Puntland ay maamuleysay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in sanado kadib la wareegto maamulka Mashaariic dhanka caafimaadka la xiriira oo laga fulin jiray deegaanada maamulka Puntland, halka Puntland ay dooneyso inaan laga wareejin mashaariicda caafimaadka.

Muddo 10 sano ah ayaa la sheegay in mashaariicda dhanka caafimaadka laga fulin jiray deegaanada maamulkaasi, islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay maamulaan Mashaariicda, sida wararka aan ku heleyno.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in xubno matalayay Puntland oo Muqdisho kaga qeyb galayay shir arimahaasi looga hadlayay ay caro darteed ka baxeen shirka, waxaana taasi ay keentay in natiijo la’aan lagu kala tago.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland oo ku aadan kulanka lagu kala tagay, waxaana socda sidii markale xubnaha kala matalaya labada dhinac ay kulamo kala ku yeelan lahaayeen.

Ma wanaagsana xiriirka Puntland kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, waxaana Puntland ay ka carootay markii Garowe laga wareejiyay kulan u dhaxeeyay dowladda iyo maamul goboleedyada ku yeelan lahaayeen magaalada Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com