Wiil Ayatollah Khomeini uu awoowe u yahay oo arrin halis ah ka sheegay Iran

Tehran (Caasimada Online) – Hassan Khomeini, oo uu awoowe u yahay Ayatollah Khomeini oo aas-aasay taliska Iran ayaa sheegay in Iran ay burburin doonto, islamarkaana aysan jirin wax muujinaya inay bad-baadi doonto.

“Aas-aaska bulsho kasta waxa uu ku dhisan yahay inay ku guuleysato qanaacada shacabka. Ma jiro wax damaanad qaadaya inaan xukunka sii haysan doono, kuwa kalena ay iska bixi doonaan” ayuu yiri Hassan oo ay soo xigteen warbaahinta Iran.

“Sii socoshada burburka bulshada iyo faafitaanka naceybka bulshada ee ku aaddan maamulka waxa ay hogaamin doontaa inay dadka ku qasabto inay noqdaan kuwa leh laba shaqsiyad” ayuu yiri.

“Haddii aan lumino qayimkeena, oo aan ku mashquulno talis intii aan xoogga saari lahayn aas-aaska bulshada, waa astaan muujineysa halista bulshadeena ay wajahayso”

Laba maalin ka hor Faezeh Rafsanjani oo ah gabadha hogaamiyihii hore ee Iran Hashemi Rafsanjani, ayaa sheegtay in Iran ay maskax ahaan burburtay, islamarkaana taliska oo hadda jir ahaan un taagan uu raaci doono, haddii aan la helin talis beddel wanaagsan u noqda midkan.

Iran ayaa wajahaysa cadaadis xooggan, ayada oo dalkaas ay haystaan dhibaatooyin dhaqaale oo badankood ka dhashay cunaqabateynta Mareykanka iyo naceybka ay kala kulmaan dalalka sunniga ee carabta ah ee deriska la ah.

Caaismada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com