26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Wiil uu dhalay madaxweyne la doortay oo u geeriyooday sabab yaab leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdadaani ayaa ka dhacday Degmadda Manjai oo ku dhow caasimadda Banjul kadib markii uu geeriyooday wiil uu dhalay Madaxweynaha la doortay ee Gambia, Aadama Barrow.

Wiilkaani geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xabiibu Aadama Barrow, waxaana la sheegay inuu sababsaday qaniinyo uu kala kulmay mid kamid ah Eeyaha ilaalada ka ah Hooyga Madaxweynaha Gambia.

Wiilka Geeriyooday ayaa kamid ahaa 5-ta Carruur ee uu dhalay Madaxweynaha Gambia Aadama Barrow, waxa ayna warbaahintu xaqiijisay in ilaalada Hooygaasi ay ku fiirsadeen wiilkaasi Eeyga uu weerarka kala kulmay.

Madaxweyne Aadama Barrow ayaa ka biya diiday ka qeybgalka Aaska wiilkiisa, iyadoo loo sababeeyay amni darro soo foodsaarta in uu ku ugan yahay aaska.

Aadama Barrow, ayaa la filayaa inuu kusii nagaan doono Senigal inta isbedel looga helaayo maamulka cusub iyo kii hore.

Geesta kale, Madaxweyne Aadama Barrow ayaa ku guuleystay doorashadii dhacday bishii la soo dhaafa, inkastoo Madaxweynaha laga guuleystay uu wali diidan yahay in xilka uu wareejiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News