Wiilka madaxweyne Xasan oo wajahaya 6 sano oo xabsi ah

Istanbul (Caasimada Online) – Dacwad oogayaasha Turkey ayaa diyaariyey kiis ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaga oo dalbanaya illaa lix sano oo xabsi ah, kadib markii shil uu ku lug lahaa lagu dilay muwaadin Turkish ah.

Dacwadda uu diyaariyey Xafiiska Dacwad-oogaha Dadweynaha ee Istanbul, ayaa dalbaneysa xukun xabsi oo u dhaxeeya laba illaa lix sano oo lagu rido Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu eedeeyey “dil ka dhashay dayacaad iyo taxaddar la’aan.”

Dacwadda ayaa ku eedeyneysa Maxamed inuu sababay dilka Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir.

Yunus ayaa si xun u dhaaacmay 30-kii November markii mootadii uu watay uu gadaal kaga dhacay baabuurka wiilka madaxweynaha, waddo ku taalla Istanbul. Yunus ayaa dhaawacaas u dhintay 6-dii December.

Maxamed ayaa loo kaxeeyey xabsiga booliska kadib shilka, hase yeeshee waxaa lasii daayey kadib markii laga qoray warbixin aad loo dhallceeyeey. Waxaa kadib lagu soo rogay inuusan dalka ka bixin karin.

Hase yeeshee, waxaa kadib la ogaaday inuu Turkiga ka baxay 2-dii December kahor amarka looga mamnuucay bixitaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah aanu ka cararin Turkiga. Waxa uu sheegay inuu kula taliyey inuu ku laabto, oo uu maxkamadda hortago.

“Waxa uu ahaa shil. Ma uusan cararin, wuxuuna qortay qareen arrintan darteed. Ma jirin wax amar xiritaan ah, marka wuxuu lahaa shaqooyin uu dalka uga soo baxay,” ayuu madaxweynaha u sheegay AP.

Warbixin ay dhowaan soo saareen koox khubaro ah oo eegay muuqaallada shilka ayaa sheegay in wiilka madaxweynaha uu lahaa khaladka, sababto ah ma uusan qaban bareega gaariga markii ay muhiim ahayd inuu sidaas sameeyo.

Warbixintii hore ee booliska ayaa shilka ku eedeysay Yunus, taasi oo aheyd sababta ay booliska usii daayeen Maxamed.