Wixii Farmaajo laga diiday ma laga aqbali doonaa Xasan Sheekh? (Qaadka Kenya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa laga doodayaa fasixidda Qaadka ka yimaada  wadanka Kenya. Nairobi waxay qarka u saaran tahay inay dib u hesho suuqeedii Qaadka ee Soomaaliya.

Malaayiin Dollar ayey ganacsatada Qaadka ee Kenya qasaareen tan iyo markii madaxweyne Farmaajo diiday dan ganacsi oo hal dhinac ah markaas oo uu xirmay suuqii ugu weynaa ee Qaadka Kenya oo ahaa u dhoofinta magaalada Muqdisho.

Horraanta bisha soo aadan ee July labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa la filayaa inay saxiixdaan heshiis laba dhinac ah oo dib loogu fasaxayo Qaadka laguna lifaaqi doono qodobo kale.

Dowladda Kenya dhowr jeer ayey diiday inay Soomaaliya wax muuqda uga badalato suuqaa Qaadka. Hoggaanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa koox siyaasiyiin ah oo macaash doon ah waxay ku cadaadinayaan inuu heshiiskaan deg deg u dhaco.

Walaac ugu weyn ee dib u fasixida Qaadka ka yimaado Kenya waa in madaxweyne Xasan Shiikh iyo saaxiibadii u xusul duubayaan in dad gaar ah oo xukuumadii hore madax iyo wasiiro ka ahaa in loo xiro suuqa Qaadka.

Xubnahaas qaar waxaa la sheegayaa inay horey usoo galeen ballan ay Kenya gaar ugu maamuuseyso haddii ay soo dhiciyaan fasaxa qaadka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa la sheegay inuu durba gadood ka muujiyey qorshaha dad gaar ah la rabo in loogu xiro ganacsiga qaadka Kenya oo markii hore ahaa mashruuc ay dad shacab ah ka faa’ideysan jireen.

Guuxa arrintaan ayaa dhex yaala siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan waxaa aad u hadal hayo xildhibaanada golaha shacabka.

Tan iyo markii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ganacsigii qaadka Itoobiya siiyey dad siyaasiyiin ah waxaa dhinaca kale kor u kacay siyaasiyiinta baacsanaya Qaadka dhanka Kenya. Sababta loo eryanayo ganacsiga Qaadka waa in dhaqaale badan oo xatooyo ah laga dhex sameeyo.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay dhawaan inaan la aqbali doonin hirgelinta heshiis aan lasoo marin Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo qasab ka dhigeysa in hesiiska Kenya loo diro Baarlamaanka.

Hadalka Aadan Madoobe waa farriin weyn oo diidmo xambaarsan taasoo ka dhigan inaan lagu qanacsaneyn sida ay dadka qaar uga fakarayaan inay u qaataan mashruuca Qaadka Kenya ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Xukuumadda imaan doonto waxaa hortaala xisaab ku saabsan ka badbaadinta shacabka ee siyaasiyiinta madaxweynaha ku hareereysan kuwaas oo u tafa xeedanaya boobka mashaariic loogu talagalay inay shacabka wadajir uga faa’ideystaan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo muddo xileedkiisii hore lagu eedeeyo inuu dalka la kulmay musuqii ugu baahsanaa ebid ayaa mar kale waayihiisa cusub ku daahfuri kara heshiis marna fadeexo dhali kara marna lagu faa’idi karo.

Uma badna inuu Xasan Shiikh sumcad badan ka qaadi doono haddii uu shaqsiyaad gaar ah oo isagu dano ku qabo uu ku abaal mariyo qandaraaska Qaadka ee Kenya, wuxuuna deg deg u qaadi doonaa dhabihii Farmaajo laga diiday kal hore.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur waxaa la aaminsan yahay inuu sumcad badan ka dhaxli doono haddii uu ka hor yimaado in dad gaar ah loo afduubo danta guud.

Dad badan waxay qabaan in kooxda mashruucaan u waalaneysa inay madaxweynaha sumcad darro deg deg ah usoo hoyn karaan.

Dhaq-dhaqaaqa arrintaan waxaa isha ku wada haya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo raadinaya in suuqa sidii hore noqdo mid u furan dhammaan ganacsatada iyo in Kenya dib u fasixidda looga badasho wax danta guud la xiriira.