Xaaf “Dowladda Daacad maka aha Federaaleynta, aad bey u necebtahay.”

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ka qeybgalay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Maanta ka furmay baydhabo, ayaa Jeediyay Khudbad dheer isagoo ka hadlay arimo ku saabsan Xaalada Guud ee Dalka.

Axmed Ducaale Geele (Xaaf) ayaa soo hadal qaaday Arimaha federaalka oo Dowladdii hore ay qaadatay, Isagoona Sheegay in Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan Daacad ka eheyn ku dhaqan Nidaamka Federaalka Dalka udagsan, Taa badalkeed ayuu sii sheegay in Dowladda Neceyb weyn ay uqabto Federaalka.

“Dowladeena ma jecla Federaaleynta, aad bey u neceb tahay, haddii aan ku sii adkeynana waxaa ka baqayaa inay dhibaato timaado, midkii aan soo maray oo kale, waa in aan tartiib tartiib u barano, ayagana u barno waaye”ayuu yiri Xaaf.

Madaxweyne Xaaf, ayaa sheegay in hadii Maamul Goboleedyada ay isku dayaan iney ku adkeeyaan Dowladda Qaadshada federaalka ay qabaan cabsi ah Suura galnimada in Culeysyo ay kala Kulmeen Dowladda.

Waxa uu isaga Shaqsiyan isweydiiyay, waxa uu la Kulmi Karo, Maadaama dhawaan uun uu ka soo baxay Khilaaf ka dhashay arimihii Khaliijka oo uu isaga la saftay Imaaraatka Carabta iyo Xulufadiisa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhinaca kale sheegay in Dowladdan ay dadaal ku bixineyso sidii ay dib ugu soo laaban leheyd Talada Dalka, halkii laga suganayay iney Dalka waxbadan uqbaato.

Madaxda maamul goboleedka oo ku mideysan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shir ku leh magaalada Baydhabo, iyadoo shirka looga hadlayo arrimo badan oo ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo maamulada dalka oo aan xiriirkooda wanaagsaneyn.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweyne Xaaf

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com