Xaaf oo ka baxay heshiiskii DF, dibna usoo ceshtay mas’uuliyaddiisii Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhowaaqay go’aan xasaasi ah oo xasarad cusub gelinaya maamulka Galmudug kadib markii uu ka laabtay heshiis uu la galay dowladda federaalka.

Xaaf ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray weerar culus ku qaaday dowladda, kuna sheegay inuu dib ula soo noqday wakaalashadii uu Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ugu dhiibay daadihinta geeddi socodka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.

Xaaf ayaa go’aankiisa sabab uga dhigay in muddo gaaraysa 3 bilood ay Dowladdu natiijo lataaban karo aysan ka sameyn arrimihii dib uheshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug, isla markaana ay hakad galeen hawlihii Galmudug.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey dowladda Federaalka ah in aysan diyaar u ahayn in ay xalliso khilaafaadkii soo kala dhex galay Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo Galmudug, sidoo kale xal uhelidda tabashada Cadaado.

Qoraalka Xaaf ayaa lagu sheegay in sababaha uu go’aanka u qaatay ay sido kale qeyb ka tahay “Awood marooqsiga lagusameynayo beelaha iyo odoyaasha dhaqanka ee matala beelaha iyo kala qeybintooda, iyo tagrifalka lagu sameynayo wakaalashada Madaxweynaha Galmudug uu wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.”

Sidaas darteed, ayuu yiri Xaaf “Laga billaabo maantay oo ay taariikhdu tahay 29/09/2019, waxa uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug dib ula laabatay Wakaalashadii uu Wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta dowladda Soomaaliya.”

Xaaf ayaa sheegay inuu si deg deg ah usoo magacaabi doono Guddiyo loo wada dhan yahay oo ka shaqeeya arrimaha Dhab-uheshiisiinta, Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee Galmudug, wuxuuna ugu baaqan dhammaan Wasiirada Galmudug isugu yimaadaan deegaanka ugu dambeyn 10/10/2019, si loo dar dar galiyo hawlaha horyaala Dowladda. 

Hoos ka aqriso qoraalka Xaaf