26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Xaaf oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in madaxweynaha Galmudug uu sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis.

Axmed Ducaale Xaaf, ayaa lagu waramayaa inuu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Mudug, isaga oo magacaabay guddoomiye cusub oo gobolkaasi uu yeesho.

C/raxmaan Cali Diirye ayaa madaxweyne Xaaf wuxuu u magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug, waxaana Mr Diiriye laga sugayaa inuu qabto shaqooyin badan.

Madaxweyne Xaaf ayaa warqaddiisa magacaabista waxa uu faray Hey’adaha amniga ee ka howlgala Gobolka Mudug in ay la shaqeeyaan Guddoomiye Cabdiraxmaan.

Sidoo kale Hey’adaha gargaarka ee ka howlgala Gobolka Mudug ee Galmudug ayuu faray Madaxweyne Xaaf, in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News