Xaaf oo Xildhibaanada doortay uga yaabsaday ballanqaadyo ay fulintood adag yihiin

Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadal kooban jeediyey goobta doorashda ayaa sheegay in dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Galmudug aheyd mid dhulka taal.

Xaaf ayaa sheegay in qorshihiisa ugu weyn uu yahay in dhulka uu ka qaado Galmudug oo uu sheegay in la dhigay meel xun.

Xaaf ayaa tilmaamay in meel sare uu gaarsiinayo Galmudug, sidoo kalena wuxuu sheegay in dolwaddiisa cusub ay la imaan doonto isbedal.

Xildhibaanada iyo Wasiirada ayuu sheegay inay heli doonaan xuquuq gaara iyo mid amni waxa uuna ballanqaaday in Galmudug ay noqon doonto mid aad uga sareysa maamulada kale.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale balanqaaday in mar kale deegaannada Galmudug aanay ka dhici xabad, islamarkaana uu sameyn doono dib u heshiisiin.

Waxa uu tilmaamay in wax waliba ay saldhig u noqon doonaan wadahdal isla markaana Galmudug ay ku caanbixi doonto dhulka Nabadda.

Xildhibaanada doortay Madaxweyne Xaaf ayaa aad ula cajabay Khudbada uu jeediyay Madaxweynaha doorashada kadib waxa ayna hadal heynta ugu badan noqotay In Galmudug uu dhulka ka qaadi doono iyo in Xildhibaanada iyo Wasiirda ay heli doonaan Xuquuq iyo mid amni.

Geesta kale, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hoggaamin doona maamulka Galmudug Labada Sano ee soo socota, waxaana u yaalla shaqooyin badan.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com