Xaaladda adag ee Turkiga uu wajahayo iyo halka ay dhibaatada ka socoto

Waxaa ku soo socda Jamhuuriyadda Turkiga dagaal dhaqaale oo hubka loo adeegsanayo uu yahay cunaqabatayn, canshuur, sarifka Doolarka Ameerika, iyo Twitter.

Waxaa kale oo haysta J. Turkiga xaalad adag oo dhaqaale. Sicir bararku waa 15%; naaquska ganacsiga caalamiga ah (trade deficit) iyo naaquska miisaaniyadda dowladda (fiscal deficit) oo gaaray heer sare; shaqo la’aanta ayaa kor u kacday; wax soo saarkuna hoos ayuu u dhacay.

Qaska dhaqaale ee hadda haysta J. Turkiga waxaa keenay badenkeed dagaalka dhaqaalaha, gaar ahaan sarifka Doolarka iyo Liiraha Turkiga, Canshuurta lagu kordhiyay Alumiiniyam ka iyo Birta uu Turkigu u dhoofiyo Ameerika, iyo qoraalka Twitter ka ee MW Trump.

Suuqa Saamiyada Turkiga ayaa hoos u dhacay 17%; Dulsaarka deynta dowladda (Yield on 10-Year Government Bond) ayaa gaaray 18%; Liiraha Turkiguna wuxuu gaaray heer aad u hooseeya (1 USD = 7.24 TL, August 13, 2018 ayow ku furmay saakay laakin waa soo kacay oo hadda waa 1 USD = 6.87 TL, August 13, 2018, 18:15 Hrs.).

Hoos u dhaca qiimaha Liiraha waxaa la socda faa’iido iyo dhibaato weyn. Dadweynaha mushaarkoodu ama dakhligoodu yahay Liire ayaa dhib weyn ku qabo hoos u dhaca Liiraha oo waxaa yaraaday awoodda wax iibsashadooda. Waxaa sii kordhay sicirka badeecada taal suuqa. Sidoo kale, waxaa dhib weyn ku qaba hoos u dhaca Liiraha Shirkadaha Turkiga, gaar ahaan kuwa dhismaha oo qaatay deyn badan oo Doolar ah si ay uga faa’iidaystaan ganacsiga dhismaha guryaha oo aad u kordhay saddexdi sano ee la soo dhaafay.

Waxaa ku adkaan doonta shirkadaha deynsaday Doolarka in ay bixiyaan deynta ku taagan oo badatay Liira ahaan.

Hoos u dhaca qiimaha Liiraha waxaa ka faa’iiday dalxiisayaasha la yimid Turkiga Doolar ama Sterling Pound, ama Euro oo waxaa raqiis u noqday Hoteelada, Cuntada, iyo dukaamaysiga.

Waxaa kale oo ka faa’iidi doona hoos u dhaca sarifka Liiraha shirkadaha dhoofiya badeecada Turkiga oo badeecada ay dhoofiyaan ay raqiis ka noqon doonto suuqyada caalamka.

Maxaa Sababay Dagaalka Dhaqaale oo Ay Ameerika Ku Qaaday J. Turkiga

Arrimo siyaasadeed oo la xiriira gobolka (geopolitical issues) iyo kuwa dhaqaale ayaa sal u ah dagaalka gardarada ah ee lagu soo qaaday J. Turkiga.

Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga ayaa xirtay Oktoobar 2016ki Wadaad Masiixi ah oo la yiraahdo Andrew C. Brunson oo Ameerikaan ah. Waxaa ninkan lagu eedeeyay in uu gacan saar la lahaa kooxdi ka dambayseesay Inqilaabki fashilmay ee 2016ki iyo dagaalyahanada PKK (Kurdistan Workers’ Party).

Dowladda Ameerika ayaa ka xumaatay xariga ninkan, dalbatayna in la sii daayo ama ay cunaqabatayn dhaqaale ay saari doonto J. Turkiga.

Waxaa kale oo dowladda Ameerika (iyo EU) ka xanaajiyay calaaqaadka ganacsi iyo mid siyaasadeed ee sii xoogaysanaya ee J. Turkiga kala dhaxeeya Ruushka iyo Iiraan oo labadaba la saaray cunaqabatayn dhaqaale.

Sidoo kale, Ameerika raali kama aha go’aanka J. Turkiga, oo ka mid ah NATO, oo ka soo iibsanaysa Ruushka hubka/nidaamka difiaaca gantaalada (missile defense system). Waxaa kale oo jira khilaaf ku saabsan wax ka qabashada dagaalada ka socda Suuriya.

Dadaalka Madaxda Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga

Madaxweynaha J. Turkiga, Md. Recep Tayyip Erdogan, Wasiirka Maaliyadda, Md. Berat Albayrak, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Md. Mevlut Cavusoglu, aad iyo aad ayay ugu dadaaleen in ay dajiyaan suuqyada maaliyadda soona bandhigaan waxa jira. MW Erdogan wuxuu la hadlay shacabka J. Turkiga una sheegay in dalkiisa lagu hayo dagaal dhaqaale oo loo adeegsanayo Doolar. Wuxuu ugu baaqay shacabka Turkiga in ay iska iibiyaan Doolarka iyo Dahabka ay haystaan oo ku badeshaan Liiraha Turkiga.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu soo bandhigay Barnaamij cusub oo wax looga qabanayo xaaladda dhaqaale ee Turkiga. Nasiib daro, waxaa tashuush ku furay xafladdii lagu daahfurayay barnaamijkan MW Donald Trump oo soo saaray go’aan uu ku labalaabay canshuurta Alumiiniyamka (20%) iyo Birta (50%) kuna qiima riday Liiraha Turkiga.

Bangiga Dhexe ee Turkigu wuxuu kordhiyay lacagta Doolarka iyo Liiraha (TL 10 billion, $6 billion iyo $3 billion dahab ah) ee taala bangiyada kaydka iyo ganacsiga si aysan u liicin bangiyadu. Dhinaciisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuu la kulmay Safiirada Ajnabiga ah ee jooga Ankara wuxuuna u sharxay siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay baaritaan ku haysaa ku dhawaad 350 ah baraha bulshada oo dacaayad xoog leh ku haya dhaqaalaha iyo lacagta Turkiga.

Gunaanad Iyo Baaq

Waxaa dhici karta in dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday Jamhuuriyadda Turkiga uu noqdo fidno faafta oo saamaysa wadama kale. Qayb ka mid ah Turkigu waa Yurub; qayb kalena waa Aasiya. J. Turkiga waxay xuduud sided wadan oo qaarkood ay ka jirto xasilooni daro, sida Suuriya iyo Ciraaq, iyo kuwo aan dhaqaale adag lahayn sida Giriik iyo Iiraan. Waxaa ka howlgala gudaha Turkiga bangiyo iyo shirkado badan oo laga leeyahay Fransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Ingiriiska, Jabaan, iyo Ameerika (waa tan keentay in suuqyada saamiyada Yurub iyo Aasiya ay badankood ay dhacaan maanta).

Madaxweyne Erdogan wuxuu ku baaqay in laga maarmo in Doolarka Ameerika loo isticmaalo ganacsiga caalamiga ah oo la adeegsado lacagta ay dowlad kasta leedahay.
Ruushka oo ka jawaabaya baaqaas ayaa ku dhawaaqay in shidaalka Ruushka lagu iibin doono lacagta dalkaas ee Ruubel ka (Russian Ruble or Rouble). Waxaa kale oo xusid mudan in dowladda Ruushka ay iska iibisay deynti ay ku la heyd dowladda Ameerika 80% (US Treasury Bonds). Waddanka Shiinaha ayaa ku leh deynta uga badan ee lagu leeyahay dowladda Ameerika (Dec. 2017: $1.18 trillion).

Waxaan ugu baaqaa ummadda Soomaaliyeed in ay u duceeyaan dowladda Turkiga oo hadda waqti adag ku jirta. Sidoo kale, waxaan ugu baaqaa ganacsatada Soomaaliyeed ee haysta Doolarka in ay maalgashtaan Turkiga.

Waxaa ka jira Turkiga fursado fiican oo ganacsi qofkii lacag haysta oo waxaa hadda hoos u dhacay qiimaha guryaha, gaar ahaan magaalooyinka gobolada dalka, Hoteelada, iyo ka ganacsiga badeecada Turkiga. Weliba la soco oo hadda waa u fududahay Soomaalida in ay helaan ciqaamadda Turkiga.
Wa Allahu Aclam.

Dr. Ismail Ali Siad
Vice Chancellor,
University of Somalia (Brighter Future)
vc@uniso.edu.so; www.uniso.edu.so