“Xaaladda deg degga ah ee uu madaxweynaha ku dhowaaqay waa inqilaab”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta si adag uga hadlay xaalada deg-dega ah ee Madaxweyne Muuse Biixi deegaano katirsan Gobolka Sanaag.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii loo geystay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland, isagoona inqilaab ku sheegay xaalada deg-dega ah ee lagu soo rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel Af-weyn iyo Ceerigaabo.

Xildh. Dirir oo ka hadlaya arrimahaas ayaa wuxuu yiri “Saraakiisha Ciidanka ee la bartilmaameedsanayo maaha wax ugub ah ee hore ayay u dhacday, tan waxa ka horreeyay Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Marxuum Casayr, Dawladdu way dedaashay way soo qabatay Nimankii dilka geystay, Maxkamaddaa la geeyay waana la xukumay”

“Nasiib-daro’se illaa Maanta wax fulin ah lama samaynin oo go’aankii Maxkamadda lama raacin, haddii taa la raaci lahaa (la fulin lahaa) kumay dhiiradiin Maanta kuwa dilka geystay oo mabay hawaysteen inay Ciidan dambe soo hadal-qaadaan, laakiin taasaa keentay oo dhiirigelisay in la laayo saraakiisha”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland kama jirto xaalad nabadgalyo-darro, laakiin waxa ka jirta fulin la’aan, haddii waxa Maxkamaduhu jideeyeen la fulin waayo, nabadgalyada ayaa xumaanaysa”.

“Xaaladda deg-degga ahi nabadgalyada inay xumayso mooyaane waxba ka tari mayso, waxay innagu celinaysaa halkii Somaliland maraysay 1988-kii. Inay Ciidamadu xukunka Gobolka la wareegaan waa inqilaab, inqilaabna Ansixin uma baahna, markaa in Goleyaasha la keeno ma ahayn”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com