Kulankii 11-aad ee BF oo kooram la’aan u baaqday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Fadhigii 11aad ee Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kooram la’aan u baaqday, kaddib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii loogu tala galay inuu kulanka ku furmo.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu saacadaha badnaa ee loo sugo, si uu kooramka u buuxsamo ayaa waxaa soo xaadirtay 132 Xildhibaan, halka 7 xildhibaan ay ka dhineyd kooramka si uu u furmo kulanka.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa sheegay in 132 Xildhibaan ay xaadirtay kulanka halka laga rabay ugu yaraan 139 mudane, waxaa maqnaa 143 mudane oo u dhiganta kooram dhameystiran.

Waxaa uu Golaha ka hor aqriyay qaar ka mid ah magacyada Xildhibaannada maqan oo lagu sheegay in intooda badan ay joogaan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta u balansanaa akhrinta labaad ee Xeerka Batroolka, kaasoo ay soo meel marisay Xukuumadda, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda laga doodo Xeerkan.

Guddoonka ayaa ku dhawaaqay in kulankii maanta uu u baaqday Kooram la’aan kulanka Arbacadana ajendaha uu yahay midka maanta baaqday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com