Xaaladda Somaliland iyo Puntland oo ka dartay kadib hadallo kasoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ficil ahaan ay uga jawaabi doonaan Hanjabaada ay Puntland hawada usoo marisay.

Maxamed Muuse Diiriye oo ah Wasiiru-dowlaha wasaarada amniga maamulka Somaliland, ayaa sheegay in Puntland ay Hanjabaadaasi ka jeedisay afka, balse ay ficil ahaan uga jawaabi doonaan sida uu hadalka u dhigay.

”Puntland hanjabaada waxa ay ka tahay afka balse anaga ka Somaliland ahaan waxa ay naga tahay caloosha weyna ka shaleyn doontaa Puntland haddii ay dhankeeda rasaas kasoo rido”

Waxa uu sidoo kale, Wasiiru dowlaha carab dhabay in ciidamadooda ay u diyaarsan yihiin dagaal ka dhan ah Puntland, hase ahaatee ay ka digayaan in Puntland ay kusoo xad gudubto.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa ciidamo aad u badan dhoobay Gobolada ay ku muran san yihiin ee Sool iyo Sanaag, waxaana suuro gal ah inuu dhexmaro labada maamul dagaal adag.

Sidoo kale, Puntland ayaa diidan in gobollada Sool iyo Sanaag ay ka dhacdo doorashada maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, deegaanada maamulka Somaliland ayaa 11-ka Bishaan looga dareeri doonaa doorashada Hogaamiyaha cusub ee uu yeelan doono maamulka .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com