Duullaanka DAKADAHA Soomaaliya (Saddex dal oo weerar ku ah Somalia)

Dal walba oo dunida ka mid  ah waxa uu leeyahay muhiimad gooni ah oo isaga khaas ku ah waxaa kale oo uu leeyahay wax uu kaga sareeyo wadamada kale ha noqoto bad ama barri sidaa darted waxaan leenahay dalka dunida ugu cajiibsan marka aan cajiibsan ku leeyahay iga ma ahan amaan ee waa xaqiiqo  bal ila fiiri maqaalkan aad ciwankiisa kor ku soo aragtay waxana ka ogow muhiimada uu adduunka u leeyahay dalkeenu.

Inaad wax ka ogaato xog jirta ama dhacdo dhacday waxa aad u baahantahay inaad hesho qoraal cadaynaya waxa aad u bahantahay iyada oo ay taasi jirto ayaan waxaan rabaa in aan si kooban oga hadlo ah miyada xeebaheenu ay leeyihiin  iyo loo lanka loogu jiro hadaba su aasha meesha taala ayaa ah muxuu ku qotomaa loo lankan  loo gu jiro xeebaha Soomaaliya marka laga soo tago xeebaha Afrika  waxaan dhihi karnaa waa ahmiyada ay leeyihiin oo ah  meesha  istiraatijiga ah ee ay dhacaan  Dakadaheenu.

Xeebata  Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 3333kms  halka xeebaha Imaaradka lagu qiyaaso  500kms  oo kaliya xeebaheenu waa marinka aduunka isugu yimaado Suez, Bada, Cas, Gacanka Cadan, Badda Carabta /faarisiga.

Marka la is barbar dhigo badeena iyo xeebaha imaaraadka Tusaale ahaan markabaka ka yimaada Yurub Suez soo mara Suez ilaa Caluula waxa lagu qiyasaa 1600Nautical miles iyo 6 maalmood halka  Halka Suez ilaa dakada Dubai uu yahay 3051 Nautical miles iyo 13 maalmood marka ma kulatahay fogaanshiiyaha  intaa la eg in uu mari lahaa hadii la dhisi lahaa dakadaheena  sida:  Caluula, xaafuun, ama Raas casayr   dakad weyn laga hirgalin lahaa waxaa hubaal ah in ay xirmi lahayd Dubai oo ah meesha dunidu xoolaheeda ku aamintay

Markabka ka yimaada China,Hindia,Singapore, cape Town, Yurub Ama Suez baa waxay dhamaantood isugu imaan la haayeen Raas casayr oo wax badan run ahaantii oga dhaw ogana fudud Qalooca Dakada Dubai oga kharasha yar waxaynuna oganahay waxa lagu xisaab tamaa aduunka maanta waa shidaalka markabka ama Doontu cunayso.

Soomaaliya waa wadanka Afrika ugu xeebta dheer marka laga reebo Konfur Afrika sidaa darted ayuu  ahmida ugu fadhiyaa dunida oo dhan waxaana hubaal ah hadii loo helo fikir dheer iyo aragti midaysan oo maskax Soomaaliyeed ka soo baxday in dadka soomaaliyeed dhamaantood ay ku filaan lahaayeen labo Dakadood oo kaliya oo sifiican loo dhisay khayraadkii kale ee dalkulahaa inta aan la gaarin .

Waxaa si aan dhuumasho lahayn dakadaheena looga maaro la’yahay dawladdo badan oo caalamka ah waxaase ka xusi karaa saddex oo labo daris inala yihiin midna Carabta ka mid tahay . waxayana kala yihiin:  1. Emirates (UAE) 2. Ethopia 3. Kenya aan mid mid u dul istaagno .

  • Imaaraad ka carabta (UAE) waxaa waa yadan danbe dhagihiina ku soo laa laabata dakad hebla waxaa lagu wareejiyey Imaaraadka sida BARBARA IYO BOOSAASO iyo waliba kuwo kale oo lagu xanto waa maxay sabata ka danbaysa boobka aan meel loogu soo gabado lahayn ee Imaaaraadka carabtu ku doonayo dakadaheena waxaa laga yaabaa in ay maskaxdaada ku soo dhacdo faa’iido ayaa inoogu jirta oo si casri ah ayuu u dhisayaa Dakadaheena hadaba arintu  wey ka weyntahay taas aduunka manta waxaa ka jira loolan adag oo loogu jiro dalaka dhulkoodu  Cariinyahay (Bikro) ee aan waxba laga soo saarin badiisa iyo waliba barigiisaba  aan u soo dago ujeedka rasmiga ah ee DPWorld  qorshaha ugu muhiimsan ee  ay ka leedahay Dakadaha Soomaaliya waa in la curyaamiyo oo dunida laga idhotiri sida ku cad heshiiska BARBAR 30sano oo lagu daray 10 sano oo dheeri ah marka waa mudo 40 sano ah saamiyada lakala sexeedana sida ayey u qornayeen DPWorld 65 %  mamulka SL 35%  inkastoo mardabe ay soo baxday 19% la siiyey Ethopia marka wax uu Imaaraad ku talo galay in mudadaas aan wax la taaban karo laga qaban macaashka ugu badana uu isagu qaato.
  • Ethopia Sidaan oganahay wadanka aan darika nahay ee Ethopia ma lahan wax dakada ah hadaba waxaan rabaa inaan waxyar  ka idiinka iftiimiyo Doorka iyo halganka ay ugu jirto dakadaha Soomaaliya waxaan gadaal ka maqalnay marka uu hesiiska BARBARA uu dhacay waxaa Ethopia la siiyey saami dhan 19% hadaba garanay DPWorld iyo SL waxaa is weydiinta mudan halka ay ka soo gashay Ethopia halkii canshuurta dakada lagu badin lahaa ileen sidaan oganahay waa marika ugu badan ee ay wax ka la soo dagto waa Barabara e.

Hadaba marka aad fiiriso sida wax u socdo waxaad soo xasuusanaysaa HINDISIHII MELES ZENAWI ee ka koobnaa 5ta qodo oo mid ka mid ah uu ahaa in ay Ethopia yeelato labo dakadood oo Soomaaliya gudaheeda ku yaala  waxa uuna u qornaa  sidan:

  • Labo dekadood oo xabshidu sharciyan u leedahay oo ay maamulato in laga siiyo Badda-cas iyo Badweynta hindiya

Arintaa Run ahaantii Meles oo dhintay ayey muuqanaysaa oo lanagu haysataa dakadihii Soomaliya sida “Barbara & Boosaaso”oo gacanta xabashida ku sii socda hadaan lagu baraarugin  waana halka ay ka duulayso mustaqbalka dhaw iyo midka dheerba  Ethoia

  • KENYA : waa wadanka kaliya ee ay inagala dhaxayso muran dhinaca badda ah oo waliba dacwad ku socoto waana wadanka marka loo fiiriyo labada dal ee aan kor ku soo xusay ka saamaynta yar marka loo fiiriyo dhinaca Cadawtinimada ay inoo qabaan  in kasta oo Kenya lafteedu  ay gacanta si dadban ugu hayso Dakada Kismaayo oo dhaqale badan ay ku qabto hadana samayn xogan kuma lahan marka la fiiriyo arimahan

Waxaa la rumaysanyahay in meesha lagu muransayahay uu ku jiro kayd shidaal waxayna dood ugu badan ka taagantahay in uu heshii u dhexeeye labada dawladdood taas oo aan wali la xaqiijin waxayna wasaarad arimaha dibada Kenya ay sheegatay in hadii dacwada bada ay Soomaaliya ku guulaysato ay Kenya bad la’aan ku dhici doonto

Gabab gabadii waxaan maqaalkan kooban ee aan ugu magacdaray DULANKII DAKADAHA SOOMAALIYA ku soo afmerayaa talooyin ku socda dhamaan Dadka soomaaliyeed Gar ahaan in Caqliga iyo garashada u saxiibka ah waxaan leeyahay fadhiga ka kaca oo ka tigtoonaada shirqoolada loo dagayo dalka aad aduunka ku ledihiin

Waxaa kale oo aan u sheeyagaa dadka Soomaaliyeed in ay shirqooladan ay kaga guulaysan karaan oo kaliya midnimo iyo wadajir  madax hami iyo hiigsi dheer oo dalka iyo dadkaba u diirnaxaysa  waxaa hubaal ah in hadii la helo arimahaa aan kor ku soo xusay  in laga guulaysan doono Cadaawaha umada Soomaaliyeed

W/Q:  Xaashi Nuur Cabdiqaadir