Kheyre miyaa ka qeyb galaya shir ay Soma Oil & Gas qabaneyso (Ogow xaqiiqda) + Caddeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixino ay baahiyeen warbaahinta Soomaalida qaar ayaan lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu bisha March ee sanadka 2018 ka qeyb gali doono shir ay qabaneyso shirkadda Soma Oil and Gas, oo horey uu uga tirsanaa saami-na uu ku lahaa.

Inkasta oo waxba ay ku jabneyn hadidi shir noocaas ah uu ka qeyb galo, haddana waxaa warka loo dhigay mid ra’iisul wasaarah laga dhigay inuu weli shirkadaas qeyb ka yahay, inkasta oo uu ka baxay markii uu xilka qabtay, sida ay shirkadda ay caddeysay.

Baaritaan Caasimada Online ay sameysay ayaa lagu ogaaday in shirkan uusan ahayn mid ay qabaneyso shirkadda Soma Oil and Gas, islamarkaana aysan wax shaqo ah ku lahayn.

Shirka ayaa waxaa sida website-kooda ay ku sheegen qabanaya shirkad lagu magacaabo International Research Networks, waxaana uu ku saabsan yahay shidaalka iyo gaaska Soomaaliya, iyo sidii loogu soo saari lahaa Soomaalida.

Haddii aad u baahan tahay caddeyn waxaad gashaa webkooda  https://www.irn-international.com/summits  kadibna dooro qeybta ay ku qoran tahay summits, halkaasi oo aad ku arki doonto shirar badan oo dalala badan oo dunida ka mid ah uu ururkan u qabanayo sida Somalia, Cameroon iyo Cuba iyo meelo kale.

Sidoo kale marka aad gasho website-ka shirkadda Soma Oil and Gas, waxaadan ku arki doonin wax war ah oo ku saabsna shir ay Soomaaliya u qabaneyso ra’iisul wasaarahana uu ka qeyb-galayo. http://www.somaoilandgas.com/

Shirka ay qabaneyso shirkadda International Research Networks, ayaa waxaa halku dhig looga dhigay Somalia Oil and Gas, waxaana macquul maadaama uu ku dhow yahay magaca shirkadda Soma Oil and Gas, in dad badan sidaas u qaateen.

Waxaa sidoo kale yaab leh in warqadda kasoo baxday wasaaradda batroolka Soomaaliya ee lagu caddeeyey inay ayiday shirkan, haddiiba ay sax tahay (Anaga ma xaqiijin karno) in si cad loogu sheegay cidda shirka qabaneyso ama soo agaasintay, sidaas darteedna ay yaab tahay in dib loogu leexiyo shirkaddii uu Kheyre ka tirsanaan jiray.

Qoraalkan uguma talo-galin inaan ku difaacno ra’iisul wasaaraha, waxaase kaliya isku dayeynaa inaan dadka u sheegno inay ka feejignaadaan akhbaaraadka beenta ah ee loo .