Maxaa lagu heystaa madaxweyne Farmaajo?: Xaqiiqda wax ka ogow

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa culeys badan kala kulmayo siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladihii dalka soo maray, isagoo weliba si gaar ah culeys wajiyo badan leh kala kulmayo musharixiintii uu xilka kaga guuleystay 08 February 2017.

Haddaba waxaa is waydiin mudan  sababta keentay in culeys badan la saaro Madaxweyne Farmaajo oo talada dalka hayo wax ka yar hal sano? iyo wax lagu heysto?

Maxaa lagu heystaa Farmaajo:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday madaxweynihii ugu taageraha badnaa tan iyo burburkii Siyaad Barre, waxaana habeenkii uu noqday Madaxweynaha Soomaaliya is qabsaday banaanbaxyo aad u waaweyn oo lagu taageerayo, iyadoo dadka isku soo baxay ay u arkayeen inuu Farmaajo yahay Muwaadin mudan inuu dalka hoggaamiyo isla markaasna la siiyo waqtigiisa.

Tan iyo markii la doortay, waxaa soo ifbaxay Siyaasiyiin badan oo weliba u badan Beesha Habargidir, kuwaas oo culeys badan soo saaray Madaxweyne Farmaajo, waxayna dadka falanqeeyo Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya aaminsan yihiin in Farmaajo lagu heysto kaliya taageerada iyo kalsoonida uu shacabka Soomaaliyeed ka heysto, isla markaasna looga cabsi qabo inuu dalka sii hayo muddo badan uuna noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka xukumo wax ka badan hal Xilli, ama uu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyey oo difaacdo xilkiisa madaxweynimo maadaama uu taageero ka heysto shacabka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Waxyaabaha lagu heysto Farmaajo ee loogu diidan yahay inuu dalka sii maamulo ayaa waxaa kamid ah :

1) Inuu yahay Madaxweyne taageero fiican ka heysto shacabkiisa isla markaasna diyaar u ah inuu ugu adeego sida ay rabaan.

2) Siyaasiyiinta diidan ama mucaaradsan Farmaajo oo ka cararayo inay shacabka Soomaaliyeed ogaadaan tayada madaxweyne Farmaajo oo ay qeyb yar oo kamid ah arkeen Waqtigii uu dalka ka ahaa Ra’isulwasaare.

3) Siyaasiyiinta diidan Farmaajo oo ka ordaya inuu Farmaajo banaanka usoo saaro in madaxdii hore ee dalka soo maray aysan wax badan qaban isla markaasna uu soo bandhigo waxqabad ka wanaagsan wixii ay qabteen

4) Siyaasiyiinta Qaar oo Farmaajo u mucaaradasn qaab qabyaalad ku dheehan tahay.

5) Musharixiintii laga guuleystay oo weli ka samri la’ Kursiga Madaxweynimo ee Soomaaliya, isla markaasna diidan inay jaanis siiyaan madaxweyne Farmaajo oo ay doorteen Shacabka.

6) Dowladda Imaaraadka Carabta oo Farmaajo u aragtay inuu yahay Madaxweyne liddi ku ah danaha halista ah ay ka leedahay Soomaaliya, waxayna lacago soo siisay Siyaasiyiin calooshood u shaqeystayaal ah oo aan dan iyo heelo midna ka laheyn Shacabka iyo Dalka Soomaaliya.

7) Siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda Farmaajo oo doonayo inay iska hor keenaan shacabka iyo madaxdooda is jecel.

8) Qaar badan oo kamid ah shakhsiyaadka ku kacsan Farmaajo ayaa dowladda ka waayey lacago ay si musuq maasuq ah uga qaadan jireen oo hadda laga joojiyey.

9) Shakhsiyaad badan oo ay ka tan badatay lacagaha waalida ah oo ay Imaaraadka Carabta la wareegeyso oo weliba dhaafsanayo dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.

10) Farmaajo oo si daacadnimo ku dheehan tahay u gudanayo waajibkiisa iyo Siyaasiyiinta mucaaradsan oo kasoo horjeedo in dalka cadaalad iyo daacadnimo lagu maamulo, maadaama aysan iyaga sidaas horey usoo sameyn waqtigii ay dalka maamulayeen, iyagoo diidan inay shacabka Soomaaliyeed dhadhamiyaan waxa ay tahay dowladnimada taasoo keeni doonto inaysan mar dambe kasoo muuqan saaxadda Siyaasadda Soomaaliya oo ay markii hore ku adeegan jireen.

W/Q: Cabdicasiis Aadan Shire

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid